Wehel Media Center

Oday dhaqmeed farriin u diray Faroole, tallona u jeediyey Shariif-ka & Mahiiga.
Xassan Max’ed C/qaadir oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida ee ka qeybgalaya ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka ayaa soo gaarsiiyey saxaafadda qoraal uu ku muujinayo aragtida isaga & xubno ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha ay ka qabaan hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha maamul beeleedka Puntland C/raxmaan Faroole, ee ku saabsanaa in shirka odayaasha loo wareejiyo Addisababa, wuxuuna ku tilmaamay C/raxmaan Faroole shaqsi aan kalsooni isu qabin, ummadiisana kalsooni ku qabin oo aaminsan in ay Itoobiya u meelmarin karto ujeedooyinkiisa gurracan, isagoo u soo jeediyey beesha uu metelo ee Majeerteen in ay ka fiirsadaan in damaca shaqsiga ah ee Faroole ku taamayo inuu dhaawici karo sumcadda & taariikhda beeshaasi ay ku leedahay Soomaaliya.

Xassan wuxuu ku nuuxnuuxsaday in qaswadaha dhabta ah ee arrimaha Soomaaliya inuu yahay Mahiga, oo awood ka badbadis ah siiyey Puntland, wuxuuna intaa ku daray in Faroole uu faraha la galay howlihii ay qaban laheyd dowladda dhexe, oo uu is moogeysiinayo in uu madax u yahay beel ka mid ah beelaha Soomaalida.

“Dowladda waa in ay sugtaa oo ay fursad siisaa gobolada kale ee aan weli afkaartooda dhiiban, haddii Puntland xuquuqdeeda un la buunbuuniyo halkeey ku dambeynayaan xuquuqda gobolada kale ee Soomaaliyeed.?” ayuu yiri Xassan Max’ed C/qaadir, wuxuuna intaa ku daray in Soomaaliya ay ceeb & wejigabax ku noqoneyso in masiirkii ummadda Soomaaliyeed gacanta loo geliyo kooxo ay horboodayaan labadda Shariif, Faroole & Gaas.

“Madaxweyne Shariif haddii siyaasadiisa gurracani ay tustay in Puntland inta aan ka aheyn la maquunin karo ama uusan codkooda u baahneyn, waxaa la is baran doonaa 20 Ogoosto marka la gaaro xilliga doorashada” ayuu yiri Xassan Max’ed C/qaadir, wuxuuna xusay in madaxweyne Shariif uu xariga u sii daayey C/raxmaan Faroole taasina ay sababi karto isbarbar yaac.

Xassan wuxuu sheegay in Mahiiga uu mar walba faragelin qayixan ku sameeyo arrimaha gudaha ah ee Soomaaliya, isagoo ka faa’ideysanaya waqtiga adag ee ay Soomaalidu ku jirto & dadka masiirka ummadda horboodaya oo ah kuwa ay kala weyn tahay qiyamka & sharafta dowladnimada Soomaaliya danahooda gaarka ah, oo aan kala garaneyn shaqada Mahiga uu u xilsaaran yahay in aysan aheyn inuu dadka u yeeriyo rabitaankiisa shaqsiga ah, balse ay tahay inuu ka saacido Soomaalida waxyaabaha daruuriga ah ee ay beesha caalamka uga baahan tahay.

“Mahiga ma ahan inuu ku mashquulo rabitaanka Puntland, aaway goboladii dalka rabitaankooda, Soomaali waa is taqaanaa tiro ahaan marka ay noqoto, Puntland waxey ka mid tahay beelaha ugu dadka yar marka loo fiiriyo gobolada Soomaaliya, beesha caalamka waa in ay dhexdhexaad noqotaa oo haddii ay dastuur soo dhoodhoobeyso uu noqdaa mid ka tarjumaya ummadda Soomaaliyee maslaxadooda & midnimadooda” ayuu yiri Xassan Max’ed C/qaadir.

“Ninkan Faroole ee beesha caalamku u aqoonsan tahay inuu yahay madaxda burcad badeeda Soomaaliya haddii aan ummaddan laga qaban wuxuu mar dhow sheegan doonaa inuu isagu yahay madaxweynaha Soomaaliya” ayuu yiri Xassan.

W/Q Max’ed Xassan

E-mail: waddani73@hotmail.com

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo jawaab ka bixiyey hadalkii Faroole.
Xildhibaanadda kala ah C/fitaax Shire & Ibraahim Isaaq Yarow oo saxaafadda la hadlay , ayaa ka hor yimid hadalo ka soo yeeray madaxweynaha Puntland Faroole, oo ku saabsanaa in shirka ansaxinta dastuurka ee Muqdisho ka socda Itoobiya loo wareejiyo, waxeyna xildhibaanadani isweydiiyaan cidda wadanka madaxweyne ka ah in ay tahay Sheekh Shariif & in ay tahay C/raxmaan Faroole.

” Yaa dalka madaxweyne ka ah, ma Farole mise Sheekh Shariif” ayuu yiri Xildhibaan Ibraahim yarow, wuxuuna intaa ku daray in dowladnimadii & sharaftii Soomaaliya ay soo ceshan laheyd ay walaaqayaan mar walba shaqsiyaad damaaci ah oo uu sheegay in sidii ay dantooda ku gaari lahaayeen oo keliya wax u qasaya.

“Sheekh Shariif waa inuu yiraa aniga maamul goboleed amar ima siinayo, anigaa amar siinaya, heshiisyadda & shirarka aad la galeyso dowladdaha kale waa in ay dowladda dhexe soo maraan, sidee ku dhici kartaa in maamul beeled uu heshiis la galo wasaarad ka tirsan dalka Hindiya, aaway dowladdii dhexe, Sheekh Shariif macna darro ayuu meesha u fadhiyaa” ayuu yiri Ibraahin yarow.

Xildhibaan C/fitaax Shire oo isna ka hadlay arrintaasi wuxuu sheegay in muddooyinkan ay soo badatay in la yiraa haddii waqtiga loo qabtay ansixinta dastuurka ay wax qabsoomi waayaan, waxaa dhici karta in maxmiyad la geliyo dalka, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay haddaba sidan maxmiyad ugu jirto, oo dalku uu u taliyo Mahiiga.

“Soomaaliya waa waddan ka gablamay dadkii aqoonta lahaa, oo ay u talinayaan midba midka uu ka liito, dadkii ummadda ugu liitay ayaa hogaan looga dhigay, waxaana banaanka la dhigay cid kasta oo dalkan xaaladiisa ka damqaneysa, waxeyna Soomaaliya badbaado ku heli kartaa in la helo ummad karti leh, oo hadafkoodu yahay sidii ay ummaddan u samatabixisa dalka, lagana qabto wadanka kuwa kuwa damiirlaawayaasha ah ee shisheeyaha isku dhiibay” ayuu yiri C/fitaax Shire, wuxuuna intaa ku daray in faragelinta dowladaha deriska ah ay mar walba xaaladda Soomaaliya kaga sii dareyso.

W/Q Max’ed Xassan

E-mail: waddani73@hotmail.com

Siilaanyo oo shacabka Somaliland u sheegay in aanu jiri doonin tanaasul.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo kumanaan dad ah kala qeyb galayay Munaasabada 18-May ee Maanta Xafaladaheeda ka socoto dhulka Soomaaliland iyo qeybo ka mid ah Caalamka, ayaa sheegay in marnaba dadka Soomaaliland aysan ka tanaasuli doonin damacooda ku aadan gooni isu taaga Soomaaliland.

Siilaanyo oo beerta Xurriyada ka khudbeenayay ayaa sheegay in Caalamka loogu baahan yahay Texgelinta Codsiga reer Soomaaliland ee ku aadan in Aqoonsi la siiyo Maadaama buu yiri ay Soomaaliland tahay Dowlada jirta oo cid difiri karta aysan jirin.

“Soomaaliland waa Dowlada jirta, weyna iska cadahay sidii cad-ceeda oo kale, Marka Caalamka ha inoo texgeliyo rabitaankeena oo Aqoonsi buuxa hana siiyo”Ayuu yiri Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa asiga oo ka faa ideesanaya fursadaan waxa uu Hambalyo u diray Ciidamada Xooga soomaaliland o u ku amaanay dhabar adeega ay u muujiyeen sidii dhulkooda ay ugu difaacan lahaayeen waxa uu ugu yeeray Cadowga isla markaana ugu shaqeeyeen Amaanka Soomaaliland.

Sidoo kale waxa uu Amaan iyo Hambalyo u jeediyay Shacabka Somalinad, Golayaasha, Guurtada, iyo Qurba joogta Soomaaliland oo uu ku amaanay dadaalka ay had iyo jeer u muujiyaan dalkooda iyagoo ka maqan buu yiri.

Madaxwaynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khudbadiisa inteeda badan u badneed Taariikhda Maamulka Soomaaliland iyo dadaalka ay u galeen in Soomaaliland ay hesho aqoonsi gooni isu taag tii oo wali socota.

Munaasabadaha lagu xusaayo 21 guurada kasoo wareegatay Gooni isu taaga Soomaaliland ayaa wali ka socota deegaano badan oo ka mid ah Dhulka Soomaaliland.

Hadalka kasoo yeeray Siilaanyo ayaa kusoo beegmeeya xilli Billihii ugu danbeeyay la hadal haayay in uu jiro dadaalo la doonayo in ay ku wada hadlaan Soomaaliland iyo Soomaaliya si meesha loogu saaro gooni isu taag isla markaana Soomaaliweyn ay dib usoo laabato.

Faroole “Dastuurka DKMG iyadaa iska qoratay nalagama tashan”.
Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle ayaa ka hadlay sababtii ay Puntland ku dhaliishay qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya, xilli uu magaalada Muqdisho kasoconayo qorshaha lagu anisixnayo qabyo qoraalka dastuurka uu yeelanayo Soomaaliya.

Isagoo kuna sugan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayuu waraysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da  ku sheegay in qabyo qoraalka dastuurka aanu ku jirin qobadii lagu yaqaiinay nidaaamka faderaalka oo la doonayo in dalka laga hirgaliyo.

Waxaa uu tilmaamay marar badan inay soo jeediyeen guddiga dastuurka in lagu soo darro xubno katirsan Puntland, hasse ahaatee arinkaasi laga soo horjeestay, markii dambena ay isku haleeyeen wasiirka dastuurka ee dowladda KMG oo kasoo jeeda Puntland iyo raysul wasaaraha.

“Isku haleynteena waxay ahayd Wasiirka dastuurka laftiisa waa reer Puntland, Ra’iisul Wasaaraha meesha waa joogay, qoraalo badan waan ka sameynay, waxaan la yaabnay dukumiinti la isku keenay iyagoo 8-bilood haystay ugu dambeyntii 30-kii April nala soo direy, waxna aan ku qornayn Dowladda Federaalka waxay isku raaci lahayd” ayuu sheegay madaxwayane Faroolle.

Madaxwayanaha Puntland ayaa cadeeyay in loo baahanyahay in la tixgeliyo aragtiyaha shacabka ee la xiriirta qodobada qabyo qoraalka dasrtuurka qaarkood in isbedel lagu sameeyo.

Hadalka madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle ayaa kusoo beegmaya, xilli magaaladda Addis ababa la filayo inuu ka dhaco shir kusaabsan muranka ka oogan qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya, waxaana shirka ka qaybgalaya saxiixayaasha heshiisyadii road-mapka oo ay Puntland ka mid tahay.

Kulan loogu hadlayay Dastuurka iyo Doorka Xuquuqda Shaqaalaha oo ka dhacay Nairobi.
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo Xuquuqda shaqaalaha kaasi oo ay so qaban qaabiyeen ururka u dooda xuquuqda shaqaalaha  ee somali congress of trade unions (SCTU) ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya.

Abduqaadir Abdiraxmaan oo ah gudoomiyaha ururk SCTU ,oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa uu ku nux nuxsaday in dastuurka cusub uusan si cad ah u qeexaynin xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed,balse uu xooga saaray arimaha siyaasada.

Ururka u dood xuquuqda shaqaalha ee loo soo gaabiyo SCTU ayaa waxaa ay ku taliyaan in ay waajib tahay in dib loo eego laguna cadeedo dastuurka cusub xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed.

gudoomiyaha Ururkaasi mr Cabdiqaadir ayaa intaasi ku daray in dastuurkan uu san u qalmin umada soomaaliyeed,islamrakana aysan ka daali doonin sidii ay u raadin lahaayeen xuquuqda shaqaalaha soomaliyeed.

Ururkan oo ah urur u dooda xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed ayaa sidoo kale shirkooda waxaa ay ku sheegeen in ay waqrqad u direen gudiga madaxabanaan ee dastuurka federaalka ayna ka rajaynayaan in dib loo soo saxi doono xaqa xuquuqda shaqaalha ee ka maqan dastuurka.

Qoadabada dastuurka loogahadlin ee quseeya xuquuqda shaqaalaha soomaliyeed ayay ku sheegeen ururka u dooda xuquuqda shaqaalaha soomaaliyeed kuwa hoos ku qoran.

1-Xuquuda Shaqa Abuurista iyo helitaanka fursado shaqo.

2- Xuquuqda helida fasaxayada dhalmada.

3-Waqtiga Hoolgabka iyo Xuquuqda  uu leeyahay.

4- Xuquuqda Helida Fasax Xanuuneedka.

5- Xaalada Mushaareed Ee Xaquuqda Shaqaalaha Soomaaliyeed.

6-Xaalada macquulka ah ee lagu shaqeenkaro.

Ugu dambayntii kulankani oo dadkii ka qayb galay ay kamid ahaayeen Ifraax Abdullahi Abkow, haashim sheekh cabdinuur iyo salaad cabdulaahi , ayaa ururka u dooda xuquuqda shaqaalaha ee SCTU ayaa waxa ay cadeeyeen in shaqaalaha umadda soomaliyeed aysan haysan xuquuqdii Aasaasiga oo ay u baahnaayaeen ,waxayna wacad ku marayan in ay soo calin doonaan taasi oo ay sheegeen in mudo ka badan 20 sano lagu tumanayay.

21-sano ka dib Soomaaliland oo u dabaal dageesa Gooni isu taageeda.
Muddo hada laga jooga 21-sano ka hor ayey aheyd Markii Magaca Maamulka Soomaliland lagu dhawaaqay isla markaana ay Maamulkaasi sheegteen in ay gabi ahaan Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een.

Maanta ayaa mar kale 21-sano kaddib loo dabaal dagayaa Sanad guuradii kasoo wareegatay gooni isu taaga Soomaaliland, iyadoona Munaasabado kala gedisan oo lagu xusaayo Gooni isu taaga Soomaaliland ay ka dhacayaan qeybo fara badan oo caalamka ka mid ah.

Saaka waxaa si weyn loogu dareemaya xuska 21-aad ee Gooni isu taaga Soomaaliland Magaalooyinka waaweyn ee Deegaannada maamulka Somaliland.

Fantasto iyo damaashaadyo ayaa ka socda Magaalooyinka Hargeysa, Burca, Borama iyo Magaalooyinka kale oo ka tirsan deegaannada maamulka Somaliland.

Sidoo kale Munaasabado taa la mid ah ayaa la filayaa saacadaha soo aadan ee galinka danbe Maanta illaa iyo Caawa in ay ka dhacaan dunida inteeda kale gaar ahaan dalalka ay ku sugan yihiin Jaaliyadaha Soomaaliland.

Khudbado ayaa la filayaa in ay gowr dhaw jeediyaan Madaxda Maamulka Soomaaliland oo shacabka kala qeyb gali doono Munaasabado ka dhacaya fagaaraha waa weyn ee deegaanada Soomaaliland.

Maanta oo kale 18-May waxaa deegaanada Soomaaliland sanad waliba laga xusaa gooni isku taaga Soomaaliland, iyadoona Sanadkaan ay kusoo beegmeeso xilli ay dhawaan Madaxda Soomaaliland sheegeen in ay wada hadal la galayaan Madaxda Soomaaliya gaar ahaan Dowlada Federalka KMG ee Soomaaliya.

Al-Shabaab oo sheegtay in ay Ciidamo u direeso dalka Yemen.
Afhayeenka dhinaca howlgallada Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo lahadlay Idaacada ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegay inay taageero siinayaan Al-qaacidada dalka Yamen oo maalintii sadexaad ay duqeyn ku socoto.

Sheekh Cabdi casiis abuu Muscab Madaxa howlgallada Al-Shabaab ayaa waxa uu intaa raaciyay in dagaalka ay ku jiraan oo uu ugu yeeray jihaad uusan xuduud iyo Calan midna ku salaysnayn balse uu yahay mid Caalami ah sida uu sheegay.

“Jihaadkeeno waa jihaad caalami ah, waa jihaad hal calan ah leh, waa jihaad hal hogaamiye leh, waa jihaad hal kitaab ah leh, waa jihaad hal hadaf ah leh, waana mid lagu raali galinayo Allaah SW” ayuu yiri Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab.

Wuxuu sheegay in Dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab Dowladaha Kenya, Uganda, Burundi iyo Ethiopia oo ay ku midaysan yihiin ay tahay sababta ay u midoobeen inay ka tagaan kitaabka Alle sida uu sheegay.

Madaxa howlgallada Ururka Al-Shabaab Sheekh Cabdi casiis abuu Muscab ayaa wuxuu Carabka ku dhiftay inay taageeyaan Dowladda Yemen oo dagaallo iyo duqeymo ku socdaan, isagoo intaa raaciyey inay Ciidamo u diyaariyeen Al-qaacidada ka dagaalanta Dalka Yemen sida uu sheegay.

Ururka Al-Shabaab ayaa waxay dagaal kula jiraan dowladda Soomaaliya, Ururka Ahlusunna iyo ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

Ahlu Sunna oo sheegtay in dhul hor leh ay isugu Balaarisay Gobolka Gedo.
Afhayeenka Ururka Ahlu Sunna ee Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq [Al-qaadi] ayaa sheegay in Saacadihii ugu danbeeyay ee Gobolka Gedo ka sameeyeen Howlgallo isugu jiray Baaritaan, Mid Baacsi iyo Dhul Balaarin Ay Ciidamada Ahlu Sunna isugu fidinayeen qeybo ka mid ah Gobolkaasi.

Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq [Al-qaadi] ayaa sheegay in ugu horeen ay baaritaano ka sameeyeen deegaanka Fax-fax-dhuun ee Gobolkaasi Gedo, halkaas oo Maalintii shalay uu ka dhacay Qarax aad u xoogan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgalo ay ku baacsanayaan uururka Al-Shabaab ay ka sameeyeen deegaanno badan oo hoostaga Magaalada Garbahaareey ee gobolkaasi Gedo halkaas oo sida uu sheegay ay ku soo noq noqdeen Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.

Al-qaadi ayaa sheegay in goobo ay ku weerareen Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isaga carareen, isla markaana ay halkaasi ugu tageen Rasaas, Qasnadi iyo Booshash, ayna xilligaan Goobahaasi gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlu Sunna ee Gobolka Gedo.

Howlgallka ay Ciidamada Ahlu Sunna sameeyeen ayuu ku tilmaamay in ay Aheyd mid ay ugu hor tagayeen falalka Amni darro oo ay Kooxda Al-Shabaab ka geysanayeen deegaanada ay gacanta ku hayaan Ururka Ahlu Sunna.

Inkastoo Afhayeenka Ahlu Sunna ee Gobolka Gedo sheegay in ay dhul balaarsi sameeyeen ayaa Hadana waxaa Gobolka Gedo wali ku wada sugan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya, Ahlu Sunna iyo Ciidamo taageeraya, iyadoo qeybo kale ay kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Xiriirka Jaaliyada Soomaalida UK iyo Ciidamada Amaanka Britian [Daawo].
Xiriirka Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Britian gaar ahaan Magaalada London iyo Ciidamada Booliska ayaa soo hagaagaya ka dib dhaq dhaqaaq u Muuqda is dhex gal oo labada dhinac dhex maraya Muddooyinkaan u danbeeya.

Labadaan Garab ee Jaaliyada iyo Ciidamada Booliska ayaa doonaya in ay si wada jir ah ugu wada shaqeeyaan Amaanka, isla markaana ay Jaaliyada la shaqeeyaan Ciidamada Booliska.

Commander Carl Busser ayaa Barnaamijka Arrimaha Bulshada ka qeyb qaadanaya [Halka Hoose ka Daawo]

Qodobo Xasaasi ah oo looga hadlay Kulanka Golaha Wasiirada ee Shalay.
Shir ay maalintii yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa looga hadlay arrimaha dhameystirka xilliga Kala Guurka ah.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhameystirka Xaaladda Kala Guurka ah oo uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in bisha August uu dalku yeesho Dowlad Rasmi ah oo taam ah.

Golahu waxey warbixin ka dhageysteen guddiyadii Qabanqaabada barnaamijka Madax Dhaqameedka oo kala ahaa guddiga Logistikada, Hab-Maamuuska, Amniga iyo Wacyigelinta.

Guddiyadan ayaa sheegay in Madax Dhaqameedkii loo soo dhoweeyey si heer sare ah isla markaana uu shirkii 5ta bisha May u bilowday si heer sare ah. Maalmihii la soo dhaafay Madax Dhaqameedka waxaa u socday barnaamijyo loogu sharaxayey nidaamka iyo habkii ay u soo xuli lahaayeen Ergada Ansixinta Dastuurka. Waxeyna fursad u heleen ay ku akhristaan dhammaan heshiisyadii Garowe I, Garowe II iyo kii Gaalkacyo oo dhammaantood qeexayey sida loo wajahayo dhameystirka qorshaha Geediga Nabadda.

Madax Dhaqameedyadu waxey kaloo fursad u heleen iskuna barteen isna dhaafsadaan fikirado iyo waayo aragnimo oo ay bar-bar socoto dib-u-heshiisiin iyo sidii ay u wajahi lahaayeen mas’uuliyadda culus ee looga baxayo nidaamka KMG ah.

Sidoo kale, waxey ka dhageysteen Guddiga Madaxa Bannaan iyo Guddiga Khubarada Soomaaliyeed ee Dastuurka taariikhdii uu soo maray Dastuurka oo soo bilowday 2004 ka dib markii Dowladdii Federaalka KMG ah lagu yagleelay magaalada Nairobi, ujeedaduna aheyd in labo sano iyo bar gudahood lagu soo dhameystiro Dastuurka si looga baxo KMG ka. Si Kastaba Dastuurkii la soo waday muddada 8da sano ayaa 20kii April la soo dhameystiray.

Waxaa lagu wadaa in Qabyo Qoraalka loo soo bandhigo shacabka maalmaha soo socda, si shacabku uga doodaan, uguna biiriyaan fikirkooda.

Ugu dambeyntii golahu waxey ku ammaaneed guddiga qabanqaabada kuna dhiiri geliyeen in la sii dar-dar geliyo howlaha bacdamaa loo gudbayo marxaladdii labaad ee ah soo xulidda Ergada Ansaxinta Dastuurka oo la filayo in shirarkooda uu dhowaan ka bilowdo Muqdisho.