Oday dhaqmeed farriin u diray Faroole, tallona u jeediyey Shariif-ka & Mahiiga.
Xassan Max’ed C/qaadir oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaalida ee ka qeybgalaya ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka ayaa soo gaarsiiyey saxaafadda qoraal uu ku muujinayo aragtida isaga & xubno ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha ay ka qabaan hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha maamul beeleedka Puntland C/raxmaan Faroole, ee ku saabsanaa in shirka odayaasha loo [...]
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo jawaab ka bixiyey hadalkii Faroole.
Xildhibaanadda kala ah C/fitaax Shire & Ibraahim Isaaq Yarow oo saxaafadda la hadlay , ayaa ka hor yimid hadalo ka soo yeeray madaxweynaha Puntland Faroole, oo ku saabsanaa in shirka ansaxinta dastuurka ee Muqdisho ka socda Itoobiya loo wareejiyo, waxeyna xildhibaanadani isweydiiyaan cidda wadanka madaxweyne ka ah in ay tahay Sheekh Shariif & in ay [...]
Siilaanyo oo shacabka Somaliland u sheegay in aanu jiri doonin tanaasul.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo kumanaan dad ah kala qeyb galayay Munaasabada 18-May ee Maanta Xafaladaheeda ka socoto dhulka Soomaaliland iyo qeybo ka mid ah Caalamka, ayaa sheegay in marnaba dadka Soomaaliland aysan ka tanaasuli doonin damacooda ku aadan gooni isu taaga Soomaaliland. Siilaanyo oo beerta Xurriyada ka khudbeenayay ayaa sheegay [...]
Faroole “Dastuurka DKMG iyadaa iska qoratay nalagama tashan”.
Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle ayaa ka hadlay sababtii ay Puntland ku dhaliishay qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya, xilli uu magaalada Muqdisho kasoconayo qorshaha lagu anisixnayo qabyo qoraalka dastuurka uu yeelanayo Soomaaliya. Isagoo kuna sugan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayuu waraysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ku sheegay in qabyo [...]
Kulan loogu hadlayay Dastuurka iyo Doorka Xuquuqda Shaqaalaha oo ka dhacay Nairobi.
Kulan looga hadlayay ahmiyadda uu dastuurka cusub siinayo Xuquuqda shaqaalaha kaasi oo ay so qaban qaabiyeen ururka u dooda xuquuqda shaqaalaha ee somali congress of trade unions (SCTU) ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya. Abduqaadir Abdiraxmaan oo ah gudoomiyaha ururk SCTU ,oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxaa uu ku nux [...]
21-sano ka dib Soomaaliland oo u dabaal dageesa Gooni isu taageeda.
Muddo hada laga jooga 21-sano ka hor ayey aheyd Markii Magaca Maamulka Soomaliland lagu dhawaaqay isla markaana ay Maamulkaasi sheegteen in ay gabi ahaan Soomaaliya inteeda kale ay ka go’een. Maanta ayaa mar kale 21-sano kaddib loo dabaal dagayaa Sanad guuradii kasoo wareegatay gooni isu taaga Soomaaliland, iyadoona Munaasabado kala gedisan oo lagu xusaayo Gooni [...]
Al-Shabaab oo sheegtay in ay Ciidamo u direeso dalka Yemen.
Afhayeenka dhinaca howlgallada Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo lahadlay Idaacada ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa sheegay inay taageero siinayaan Al-qaacidada dalka Yamen oo maalintii sadexaad ay duqeyn ku socoto. Sheekh Cabdi casiis abuu Muscab Madaxa howlgallada Al-Shabaab ayaa waxa uu intaa raaciyay in dagaalka ay ku jiraan oo uu ugu yeeray jihaad uusan [...]
Ahlu Sunna oo sheegtay in dhul hor leh ay isugu Balaarisay Gobolka Gedo.
Afhayeenka Ururka Ahlu Sunna ee Gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq [Al-qaadi] ayaa sheegay in Saacadihii ugu danbeeyay ee Gobolka Gedo ka sameeyeen Howlgallo isugu jiray Baaritaan, Mid Baacsi iyo Dhul Balaarin Ay Ciidamada Ahlu Sunna isugu fidinayeen qeybo ka mid ah Gobolkaasi. Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq [Al-qaadi] ayaa sheegay in ugu horeen ay baaritaano [...]
Xiriirka Jaaliyada Soomaalida UK iyo Ciidamada Amaanka Britian [Daawo].
Xiriirka Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Britian gaar ahaan Magaalada London iyo Ciidamada Booliska ayaa soo hagaagaya ka dib dhaq dhaqaaq u Muuqda is dhex gal oo labada dhinac dhex maraya Muddooyinkaan u danbeeya. Labadaan Garab ee Jaaliyada iyo Ciidamada Booliska ayaa doonaya in ay si wada jir ah ugu wada shaqeeyaan Amaanka, isla [...]
Qodobo Xasaasi ah oo looga hadlay Kulanka Golaha Wasiirada ee Shalay.
Shir ay maalintii yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa looga hadlay arrimaha dhameystirka xilliga Kala Guurka ah. Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey muhiimadda dhameystirka Xaaladda Kala Guurka ah oo uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in bisha August uu dalku yeesho Dowlad Rasmi ah oo [...]
