About Us

WWW.WEHELMEDIA.COM

Wehel Media Center waa xarun warbaahineed madax banaan oo ka tarjumaya sidii looga bixi lahaa baahidda loo qabo helida warbaahin xor ah, kana fog beenta iyo dacaayadaha.

Wehelmedia.com waxaa la asaasay 01/12/2009, Hirgelinta warbaahintaan waxaa dadaal u galay, koox saxafiyiin ah, oo in muddo ah ku dhex jiray mihnada saxaafada.

Waxaa lagu Aas Aasay dalka Nederlands, iyadoona ay noqotay Warbaahin u istaagsan Hormarinta Saxaafada iyo Dhalinyarada.

Waxa ay qeyb weyn ka qaadataa wacyi gilinta dhalinta soomaaliyeed, waxa ay ka shaqeesaa is-dhex galka dhalinyarada, si loogu hortago marin habaabida dhalinyarada.

Wehel Media Center Xarun u istaagsan Hormarinta Saxaafada iyo Dhalinyarada.

Ujeedooyinka

  • Dhiirigelinta Horumarka Warbaahinta Soomaaliyeed.
  • Sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta mihnada Saxaafada Soomaaliyeed.
  • Dhiirigelinta Hormarka Dhalliyarada Soomaaliyeed.
  • Sidii dhalinta loogu baraarujin lahaa is dhex galka iyo ka shaqeynta nabada.

Himilada

 

  • Heliada Warbaahin xor ah oo ka hana qaada dalka soomaaliya iyo geeska Africa, ayna ka howlgalaan Saxafiyiin soomaaliyeed oo mihnadooda sareesa.
  • Helida Dhalinyaro soomaaliyeed oo la jaan qaada dhalinta aduunka, kuna baraarugsan is dhax galka shacabka iyo ka shaqeynta Nabada.

Dhiirigeliyaha Koowaad Horumarka Saxaafada iyo Dhalinyara Soomaaliya.