Waxaa laga digey in dib loo soo celiyo Isbaarooyinkii Muqdisho.

Iyadoo Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya dhamaantooda laga qaadey isbaarooyinkii yaaley ee dadka lagu dhibaateyn jirey ayaa waxaa hada soo baxa walaac xoogan oo laga qabo iney dib usoo laabtaan Isbaarooyinka laga qaadey qeybo ka mid ah Degmooyinka Muqdisho.

Gudoomiyaha maamulka Dowlada Soomaaliya ee Degmada Dharkeenley Macalin Cabdulle oo la hadley warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inuu ka digayo iney degmadaasi dib uga soo laabtaan isbaarooyinka ay dhiganayaan ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kooxo hubeysan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in warar soo baxaya ay helayaan in ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay isku diyaarinayaan iney dib usoo celiyaan isbaarooyinkii laga qaadey gudaha Degmada Dharkeenley ee Magaalada Muqdisho,wuxuuna uu tilmaamay in arintaasi aan la aqbali doonin.

Ciidamo badan oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo isugu jira Booliis iyo nabad sugida ayuu sheegay Gudoomiyaha iney degmada ku diyaaar san yihiin,islamarkaana ay la dagaalayaan cidii dib usoo celisa Isbaarooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaana kuwa Degmada laga qaadey.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.