Jawaari “dhibaatada lagu hayo wariyaasha ma aqbaleyno”

Xili dalka Soomaaliya ay kusii kor dhayaan dhibaatooyinka loo geysto wariyaasha Soomaaliya ayaa waxaa arinta wariyaasha dhibaatooyinka loo geysto ka hadley Gudoonka sare ee barlamaanka Soomaaliya,kadib kulan shaley ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka.

Maxamed Cusmaan Jawaari oo ah Gudoomiyaha Barlamanaaka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in magaalada muqdisho kusoo bateen dhibaatooyinka isugu jira dilalka,xariga iyo dhaawac loo geysto wariyaasha Soomaaliya taas oo uu sheegay in barlamaanka Soomaaliya aaney u dul qaadaneynin.

Waxaa tilmaamay Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya in looga baahan yahay Idaacada iyo Wariyashaba iney iska ilaaliyaan wax yaabo sharaf xumo u keeni kara Warbaahinta,hase ahaatee hadii warbaahinta ay ka taxadirto xad gudubka in aaney jirin dhibaato Warbaahin soo gaarta.

Gudiga dhanka Saxaafada ee barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu ka codsadey Maxamed Cusmaan Jawaari iney soo saaraan sharciyo kala haga Warbaahinta iyo dadka kale.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.