Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho kula kulmay Baarlamaanka Soomaaliya [Sawirro]

Waxaaa Maanta booqasho kusoo gaaray Magaalda Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya Guddoomiyaha Baarlamanka dalka Jabuuti Idiris Cali oo ay wehliyeen 7 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka dalkaasi Jabuuti iyo saraakiil kale.

Garoonka Diyaaradaha Aaden cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wafdigaan si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari kuxigeenadiisa iyo xubno ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wefdiga ayaa loo soo galbiyay Xarunta Baarlamanka Soomaaliya halkaasi oo ay kulan ku lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona kulankooda uu halkaasi khudbad dheer ugu jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Mudane Idiris Cali.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ugu hambalyeeyay Guulaha lama ilaabaanka ah oo ay ka gaareen doorashooyinkii iyo ansixintii dalka ka dhacday, isagoona ugu baaqay in ay ka dhabeeyaan howlaha ugubka oo ay bilaabeen si ay dalka ugu horseedaan Dowlad wanaag iyo cadaalad.

Mudane Idiris Cali Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti iyo Xildhibaanadii la socday ayaa hadiyado Guddoon siiyay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Prof. Jawaari oo dhankiisa Khudbad kooban halkaasi ka jeediyay ayaa ugu Mahadceliyay dowlada Jabuuti, dadaalka dheer oo ay usoo gashay in dalka Soomaaliya ay ka hana qaado dowlad cagaheeda ku istaagta, isla markaana dhinacyo badan ka caawisay shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka Baarlamaanka oo ay Maanta goob joog ka ahaayeen xildhibaano gaaraya 182-Mudane ayaa ahaa mid ay si diiran isugu marxabeenayeen Xildhibaanada Soomaaliya iyo kuwa dalka Jabuuti iyadoona farxada labada dhinac laga dareemayay walaaltinimada ka dhaxeesa labada dal.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdiga la socda ayaa Magaalada Muqdisho sii joogi doona muddo sadex maalmood ah, isagoona la kulmi doono Madaxda Dowlada Federalka Soomaaliya, isla markaana u kuur gali doona xaalada siyaasada iyo nololeed ee dalka Soomaaliya.

Waa Markii ugu horeesay ee uu dalka soomaaliya soo gaaro Guddoomiye Baarlamaan oo ka socda qaarada Africa tan iyo intii uu dalka soomaaliya dhawaan dib u helay Dowlad-nimo dhexe kana baxay xilliyadii KMG ahaa uu dalka soo maray.