Fafaahin laga bixiyey dad badan oo lagu qabtey Nairobi.

Tan iyo markii dhowaan Masaajid kuyaala Magaalada nairobi ee dalka Kenya qarax qasaaro geystay uu ka dhacay ayaa waxaa Xaafada Soomaalida ay degto ee Islii ka socdey howlgalo balaaran oo ay sameynayeen ciidamada Booliiska iyo kuwa kale ee Militeriga dalkan Kenya.

Gudoomiyaha Gobalka Nairobi oo warbaahinta la hadley ayaa waxaa uu shaaca ka qaadey in howlgalada wali ka socda magaalada nairobi ciidamada ay kusoo qabteen dadkii ugu badnaa,kuwaasi oo lagu eedayay iney ka danbeeyeen qaraxyadii dhowaanahan ka dhacayay Nairobi gaar ahaana Islii.

Mas’uulkan u hadley Dowlada Kenya ayaa waxaa uu tilmaamay in tirada dadka laga soo qabtey Magaalada Nairobi ay gaarayaan ilaa iyo 600 boqol oo ruux kuwaasi oo ay ku jiraan dad Soomaali ah amaba ay u badan yihiin,wallow ay ku jiraan dad kale oo Kenyaan ah.

Ragan Soomaalida ee lagu qabtey howlgalada magaalada Nairobi ee dalka kenya ayaa waxaa la sheegey iney ku jireen kuwo heystay warqada Qoxootiga hase ahaatee Dowlada kenya ay dib uga celisey Xerooyinka Qoxootiga ee dalka kenya,halkaasi oo qoxootiga loogu tala galey.

Xaalada magaalada Nairobi ee dalka Kenya maalmihii ugu danbeeyay ma wanagsaneyn,waxaana wali qeybo ka mid ah islii ciidamada ay ka wadaan howlgalo balaaran oo ay ku qab qabnayaan dadka Soomaaliyeed,iyadoona inta badan Soomaalida xabsiyada lagu buuxiyey.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.