Dagaal ka dhacay Gobalka Jubada Hoose.
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Gobalka Jubada hoose ee koonfurta Soomaaliya waxaa dagaal kulul qeybo ka mid ah Gobalkaasi uu ku dhaxmarey ciidamada Dowlada Soomaaliya,kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo kooxda Shabaab ee Soomaaliya oo gobalka qeyb ka maamusha.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Miidow oo hoostaga Degmada afmadow ee Gobalka Jubada Hoose,halkaasi oo ay fariisamo ku lahaayeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Kenya,waxaana weerarka soo qaadey Kooxda Shabaab.
labada dhinac ee hurgufta u dhaxeysey ayaa waxaa la sheegey iney isku adeegsadeen hubka nooyadida kala duwan,hase ahaatee waxaa aad u adag in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee goobta ka dhashey,laakin dadka deegaanka ayaa waxaa ay soo sheegayaan in qasaaro xoogan uu jiro.
Inta la hubo 5-ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyootey tiro ku dhow 10-kalena waa ay ku dhaawacmeen oo dhamaantooda ah dhinacyada colaada u dhaxeysay,laakin deegaanka deegaanka dagaalka uu ka dhacay ayaa la sheegayaa iney wali gacanta ku hayaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Xaalada ayaa hada ah mid degan,mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Dowlada Soomaaliya,Kenya iyo Kooxda Shabaab oo ku aadan dagaalka maanta ku dhaxmarey Gobalka Jubada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.
Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.
