Ciidamada Puntland iyo burcad badeed oo isku fara saaray Garacad.

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobalka Mudug ayaa waxaa ay sheegaayan in dagaal aad u culus deegaanka garacad uu ku dhaxmarey ciidamada Maamulka Puntland iyo kooxo ka tirsan Burcad badeeda Soomaalida oo halkaasi xoog ku maamulayey.

Dagaalkan ka dhacay deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug ayaa waxaa uu yimid kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan maamulka Puntland ay weerar xoogan ku qaadeen deegaankaasi oo mudo ku dhow hal sano xoog ku heysteen kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.

Dagaalka ayaa dad deegaanka ah waxaa ay soo sheegayaan inuu ka dhashey qasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac,wallow aan la cadeyn karin halka uu la egyahay qasaaraha labada dhinac soo kala gaarey,laakin war kasoo baxay maamulka Puntland Guulo ayay ka sheegteen.

Mas’uul u hadley maamulka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in weerarka ay ku qaadeen deegaanka Garacad ay ku dileen ilaa iyo 3-ruux oo burcad badeedii ah,halka uu sheegay iney dhaawaceen tiro kale,laakin ma jirto cid kale oo madaxbanaan oo xaqiijinaya arintaasi.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha alaah.