Xiddigtii Kooxda K/Koleyga Heegan oo kasoo dhex Muuqatay Qaarada Yurub [Sawirro]

Ciyaaryahanad Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Sahra Maxamuud Wehliye (Sahra Yarey) ayaa la filayaa in Horaanta sanadka 2013, ay u safato Kooxda Kubada Koleyga Gabdha (Tingvolla) ee ka dhisan dalka Norwey, iyadoona xilligaan si toos ah ula Aalmiinteesa isla kooxdaasi oo damac weyn ka qabta in ay u safato Ciyaaryahanadaan.

Kooxda Tingvolla ayaa doonaysa in ay Heshiis la saxiixato Ciyaaryahanadaan oo Dhawaan gaartay Dalka Norwey, balse in muddo ah ka mid aheyd Kooxda Kubada Koleyga (Al-sumar) ee ka dhisan Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Sahra Yarey  ayaa horey ugu mid aheyd Kooxdii Gabdhaha Kubada Koleyga ee Heegan, iyadoona lagu xasuusto Numbarka 7-aad ee kooxda Heegan, waxa ayna ka mid aheyd Ciyaarhanada sida weyn ay ugu tashan jireen kooxdaasi.

Wacdarihii ay ka dhigi jirtay Garoomadii Kubada Koleyga ee Muqdisho Stadium & 1-da Luulyo ayey sahro in muddo ah u weecisay dhankaa iyo dalka Masar, balse waxa ay xilligaan rajo weyn ka qabtaa in wacdarooyinkaas mid la mid ah ay ka dhigto Garoomada Qaarada yurub.

24-December-2012, Ciyaaraha HIRDA AFT Amsterdam ayaa Sahra la filayaa in Garoonka Sporthallen Amsterdam kula Ciyaarto qaar ka mid ah Ciyaarahanada Qaranka Gabdhaha Kubada Koleyga Soomaaliyeed ee Xilligaan, iyo kuwii hore ee bari-samaadka.

Gowr dhaw naga filo Magacyada Ciyaaryahanada Gabdhaha Soomaaliyeed ee 24-December ka qeyb galaya Ciyaaraha AFT Amsterdam kulankiisa Kubada Koleyga.