Wasiiro so’aalo lagu weydiiyey golaha shacabka.
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kulan ku yeeshey Barlamaanka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Gudoomiyaha barlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari,waxaana kulanka maanta xaadir ahaa dhamaaan Barlamaanka Soomaaliya aan ka aheyn xubno yer.
Kulanka barlamaanka ayaa waxaa marka hore furey Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo sheegay in ajandaha maanta uu yahay in Barlamaanka So’aalo weydiiyaan Laba wasiir oo ka tirsan Xukuumada Soomaaliya kuwaasi oo dhowaan looga yeerey xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirada maanta ka qeybgaley kulanka Barlamaanka Soomaaliya ee so’aalaha la weydiiyay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka gaashandhiga ee Xukuumada ee Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo Ray’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya Fowziya Aadan Xaaji.
Ugu horeyntii ayaa waxaa kulanka so’aalaha lagu bilaabey Wasiirka Gaashandhiga ee Xukuumada Soomaaliya,waxaana xildhibaanada ay weydiyeen so’aalo la xariirtey sababta Maxkamada ciidamada qalabka sida ay u xirtey dhowaan Wariyaha BBC-da ee Magaalada Muqdisho Ibraahin Maxamed Aadan.
Wasiirka ayaa waxaa kaga jawaabey so’aashaasi in Wariyaha BBC-da ee Magaalada Muqdisho maxkamada ay soo eedeysey,isagoona sheegay in mar danbe aysan dhici doonin in qof rayid ah lagu xiro Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya oo ciidamada loogu tala galey.
Wasiirada arimaha dibada ee Soomaaliya Foqziya ayaa waxaa ay wax ka weydiiyeen Barlamaanka sababta loo kireeyey Safaaaradii Soomaaliya ay ku laheyd Dalka taliyaaniga,iyadoona sheegtey Wasiirada in arintaasi ka daba tagayaan islamarkaana aaney dhaceynin waxaas.
Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.
