Taliska ciidamada Xooga oo ku hanjabay iney la wareegayaan deegaano kale.

Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed C/laahi Cali caanood oo ka mid ah Taliyaasha hogaamineysa howlgalada ka socda deegaano ka tirsan Gobalka Sh/dhaxe ayaa waxaa uu ka hadley qorshayaal kale oo ay ka damacsan yihiin deegaano kale.

C/laahi Cali Caanood ayaa waxaa uu sheegay in qabsashada degmada Jowhar oo dhowaan qabsadeen iney usoo mareen si lac iyo rafaad badan islamarkaana ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM mudo badan ay daadsanaayeen dhaxta inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad.

Hase ahaatee Taliyaha Gaaska Koowaad ee ciidamada Xoogga ayaa waxaa uu ku hanjabay iney saacadaha soo socda ay la wareegayaan deegaano kale oo kuyaala Gobalka Sh/dhaxe halkaasi oo ay gacanta ku hayaan sida uu sheegay Kooxda Shabaab ee Soomaaliya,isagoona tilmaamay in hada diyaaar garoobeen.

Caanood waxaa intaasi ku darey in ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM hada ay u diyaar garoobeen deegaano kale oo ay heystaan Shabaab iney gacanta kusoo dhigaan,wallow uusan carbaabin deegaanada ay duulanka ku yihiin ee kuyaala Gobalka.

Shaley ayey aheyd markii dagaalyahanada kooxda Shabaab ee Soomaaliya ay isaga baxeen degmada Cadale ee Gobalkaasi oo ka mid ah degmooyinka ay ku xoogeysan yihiin Shabaab,hase ahaatee wali ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ma gaarin.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.