Syria: Mucaaradka oo saldhig muhiim ah la wareegay kuna siqaya Dimishiq.

Mucaaradka dalka Siiriya ee dagaalka xoogan kula jira Ciidamada Daacada u ah Bishaar Al-Asad ayaa xoog kula wareegay Saldhig Millitary oo ay Xoogaga Bishaar Al-asad ku lahaayeen duleedka Magaalada Aleppo ee dalka Siiriya.

Mucaaradka dalka Siiriya oo ay todobaad ku qaadatay dagaal xoogan oo ay ku damacsanaayeen in ay kula wareegaan saldhigaan oo Istiraatiiji muhiim u ah labada dhinac, ayaa ugu danbeyn ku guuleestay in ay la wareegaan.

Xoogaga Daacada u ah Bishaar Al-Asad ayaa weeraro dhinaca cirka ah ka wada Xaafado ku teedsan duleedka Caasimada Dimishiq halkaasi oo ay soo buux dhaafiyeen Mucaaradka, iyadoona ay la wareegeen dhowr xaafadood oo duleedka ka ah Magaalada Caasimada ee Dimishiq.

Taageerayaasha Bishaar Al-Asad ayaa wal wal xoogan ka muujinaya Awoodood Dhinaca Millitariga mar hadii ay kusoo wada aruureen gudaha Magaalada Dimishiq isla markaana kuur baareen xoogan uu saaran yahay magaalada taasi oo suura gelin karta in Mucaaradka ay Maalmaha soo socda gudaha u galaan Caasimada dalka Siiriya ee Dimishiq.

Bishaar Al-Asad ayaa waxaa gacantiisa ka baxday Magaalooyinka waa weyn ee dalka Siiriya, iyadoona xilligaan Ciidamada daacada u ah ay kusoo hareen Caasimada dalkaasi ee Dimishiq, walloo xaafado soo gala Magaalada ay la wareegeen Mucaaradka.