Qarax xoogan iyo Iska hor-imaad Caawa ka dhacay Magaalada Jowhar.
Qarax xoogan ayaa daqiiqado ka hor laga Maqlay Gudaha Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo ay Maalin ka hor la wareegeen Ciidamada Dowlada Federalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM.
Qaraxa oo si weyn loogu maqlay Gudaha Magaalada Jowhar ayaa waxa uu ka dhacay Gudaha Xaafada Hanti-wadaag, gaar ahaan Bagaashka, iyadoona sidoo kale uu jiray iska hor imaad xoogan oo dhex maray Ciidamada Huwanta iyo koox aan la garaneen in ay yihiin Al-Shabaab iyo in kale.
Lama oga Qasaaraha ka dhashay Qaraxaasi iyo iska horimaadka Caawa ka wada dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha dhexe, iyadoona illaa iyo hada aysan jirin cid ka hadashay weerarada xoogan ee Caawa ka dhacay Jowhar.
Magaalada Jowhar oo ay Maalin ka hor la wareegeen Ciidamada huwanta ayaa waxaa Maalintii shalay la geeyay Ciidamo xoogan oo ka tirsan kuwa nabad sugida, iyadoona Maanta ay Magaaladaasi howlgalo ka sameeyeen Ciidamada loo yaqaan Alfa Group.
Kooxda Al-Shabaab ayaa loogu bartay marka lagaga Awood roonaado goobaha ay gacanta ku hayaan in Xilliyada habeenkii ay weeraro gaadmo iyo qaraxyo la soo eegtaan goobaha laga qabsaday.
