Qarax ruxey qeybo ka mid ah Jowhar.

Wararka hada naga soo gaaraya Gobalka Sh/dhaxe ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta duhurkii qarax xoogan uu ka dhacay Magaaladaasi,halkaasi oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo ciidamada midowga Afrika ee AMISOM,kadib bixitaankii kooxda shabaab.

Qaraxa ayaa nooca uu ahaa warar kala duwan kasoo baxaya wararka qaar waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso halka warar ka duwana ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa nooca gacanta laga tuuraha,hase ahaatee lama oga cida lala rabey qaraxa ka dhacay Jowhar.

Dad deegaanka ah ayaa waxaa ay noo sheegeen in qaraxa uu ka dhacay Buundada Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Sh/dhaxe,halkaasi oo xiliga uu qaraxa dhacayay la sheegey iney marayeen ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya,wallow ciidamada aaney waxba gaarin.

Qasaaraha ayaa aad u adag in la ogaado’laakin dadka qaar waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ku dhaawacmey wiil ardey ah oo xiligii qarax uu marayay Buundada,waxaana wax yer kadib goobta soo gaarey.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.