Muqdisho: Askar la weeraray iyo kuwo dil iyo dhaawac geystay.
Gabal dhicii Maanta ayaa waxaa Qarax lala eegtay gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federalka Soomaaliya oo marayay meel aan sidaa ugu fogeen isgoyska Ex-Kontrol Balcad oo ku yaala Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay wadada dhinaceeda isla markaana lala eegtay Gaariga ay wateen Ciidamada Dowlada, ayaa illaa iyo hada waxaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.
Rasaas xoogan ayaa mar qura is wada qabsatay ka dib qaraxaasi, waxaana is-dhex yaac iyo kala carar bilaabay dadkii goobahaasi ka ag-dhawaa, iyadoona goobta ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa dowlada oo halkaasi ka bilaabay baaritaano.
Dhinaca kale Gaari ay wateen Ciidamada Dowlada Federalka Soomaaliya oo marayay Nawaaxiga Hargaha iyo Saamaha ee isgoyska Km4, ayaa jiiray 2-ruux oo shacab ah, iyadoona rasaas ka fakatay gaarigaasi ay haleeshay wade Gaari BL- oo halkaasi marayay.
Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Nabad sugida, waxaana la sheegay in rasaasta ay ka fakatay mid ka mid ah Askarta la socotay gaarigaasi, halka darewalka oo xakameen waayay gaariga uu isagan jiiray labo 2-ruux kuwaa oo halkaasi ku naf waayay.
Goobta mar qura qal qal gashay ayaa waxaa isku gadaamay Ciidamada Dowlada, iyadoona jawiga uu markii danbe si caadi ah kusoo noqday.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa Magaalada muqdisho waxaa ka suulay dhacdooyinkii saacadihii ugu danbeeyay ka dhacay Muqdisho.
