Fariin ku socoto Guddiga Olompikada Soomaaliyeed & XSKC

Og: Wasaarada isboortiga iyo dhalinyarada

Og:Bahda Isboortiga Soomaaliyeed

Og: Saxaafada madax banaan

Og: IOC/OS & CAF / FIFA

Tixraac: A freedom of information

London 11/12/2012

Bahda turxaanbixinta isboortiga waxay dhawaan u howl gali doonaan sidii ay wax badan oo xaqiiq ah uga keeni lahaayeen hay’addaha caalamiga ee isboortiga caalamka gacanta siiya wadankeena, si aan u ogaano sanadihii la soo dhaafey dhaqaalihii lagu bixiyay magaca horumarinta isboortiga dalka Soomaaliya.

Gudiga Olambikada Soomaaliyeed iyo Xiriirka Kubadda Cagta dalka Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa inay bulshada isboortiga iyo saxaafada u soo bandhigaan cadeymo dhaqaalihii ka soo galey hay’addahaas labadii sano ugu dambeysay iyo waxyaabihii ay ku qabteen oo la taaban karo oo qoraal ah.

”A FREEDOM OF INFORMATION”

Waxaa jira sharci caalami ah oo lagu waydiinsan karo hay’addaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn heshiisyada ay kale galaan oo qoraal ah, warbixintaas oo noqon karto mid dhaqaale la kale saxiixdey iyo mid heshiis wada shaqeyneed ama wax la kale gatey ama qaraar la isla gaarey, si looga baxo tuhunka isdaba marin dhacdo ama dadka daneynaayo arinkaasi ogadaan loogu cadeeyo ayaa waxaa la warsan karaa inay ku soo diraan hadii laga codsado arimaha aan daneynayno inaan ogaano, shaqsi ama guud ahaan waa loo codsan karaa.

Waxaana suubin kartaan emailka hay’adda arinkaasi laga codsadey ama bixisay dhaqaalaha ayaa email ama warqad u qoreysaan, oo aad ku weydiisaneysaan inay kugu soo diraan aqbaartaas oo dhan, si aad ula socoto heshiiska dhexmarey iyo dhaqaalaha ku baxayo iyo sidii loo fuliyay oo lagu balamey,hadii aad rabto marka heshiiska dhamaado waxaad weydiisan kartaa xisaab celintii iyo heshiskii sida uu ku dambeeyay iyo qoraalkii labada dhinac ka soo celiyeenba.

Marka anagoo ah saxaafada Soomaaliya qaybteeda turxaanbixinta isboortiga waxaan ka codsaneynaa GOS & XSKC marka uu dhamaado sanadkaan inay noo soo gudbiyaan dhaqaalihii labadii sano ee ugu dambeysay ka soo galey IOC/OS & CAF/FIFA iyo waxyaabihii ay ku qabteen oo qoraal ah si aan bulshada isboortiga ugu soo bandhigno.

Lagaba bilaabo marka aan ku soo bandhigno shabakada turxaanbixinta SSPAMEDIA ilaa laga gaaro horaanta bisha Labaad 2013, waxaan idin ka sugeynaa inaad noo soo gudbisaan aqbaarta aan idinka codsaney si bulshada isboortiga Soomaaliyeed ugu soo gudbino, marka waqtigaas la gaaro kadib waxaan xiriir la sameyn doonaan IOC/OS & CAF/FIFA, si aan iyagana dhinacooda uga ogaano xogta aan rabno inaan dibada u soo saarno mustaqbalka soo socdo insha Allah.

Waxaan arimahaan u sameynaynaa in isboortiga Soomaaliyeed loo shaqeeyo oo aan laga shaqeysanin, yacni laga dukaameysanin,si horumar iyo maamul wanaagsan oo daacad ah loo helo mustaqbalka dhaw, sababtoo ah waxaa jira tuhuno badan oo sheegaya in wax isdaba marin iyo la lunsado dhaqaalaha isboortiga beesha caalamka ku soo siiyaan GOS & XSKC, halka GOS & XSKC maamulkooda ay sheegayaan inaysan jirin lacago ay lunsadeen oo Soomaaliya loogu soo dhiibey.

Hadii wax walbo la cadeeyo maamulka iyo shaqada la qabanaayo caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed dhibaatada labaatan sano jirsatey wey ka bixi doonaan hadii Eebe idmo, waxaa loo baahan yahey daacadnimo iyo Soomaalinimo la socoto isboorti jaceyl, balanteenu waa xogtaas oo banaanka la soo dhigo.

DHAMAAD

Qalinkii turxaanbixinta isboortiga

Yusuf Yusuf

mrsomalia@hotmail.com