Amiirka Shabaab oo u dhaartey Dowladaha Kenya iyo Itoobiya.
Axmed Cabdi Godane oo dadka qaar ay u yaqanaan C/raxmaan Abuu Zubeyr oo ah amiirka kooxda Shabaab ee Soomaaliya ayaa waxaa uu soo direy Fariin Maqal ah oo uu kaga hadlayo xaalada dalka Soomaaliya iyo duulan uu sheegay iney dalka Soomaaliya kusoo qaaden Kenya iyo Itoobiya.
Axmed Godane waxaa uu marka hore ka hadley dagaalka ay ka wadaan dalka Soomaaliya,islamarkaana ay kula jiraan Dowlada Soomaaliya,Kenya,Itoobiya iyo AMISOM kuwaasi oo uu sheegay iney kaga guuleysteen dagaalka wali ka socda gudaha dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay Amiirka maleeshiyada Shabaab in ciidamada Kenya ay ka shalaayeen soo gelitaankii ay soo galeen dalka Soomaaliya,kadib markii uu sheegay Godane in dagaaladii Jubooyinka ay ku laayeen ciidamo badan oo ka tirsan Dowlada Kenya.
Sidoo kale Amiirkan waxaa uu sheegay in dalka Kenya Magaalooyinka waa weyn sida Nairobi,Gaarisa iyo Manbaasa ay ka geysteen qaraxyo dhowr ah oo uu sheegay iney ku laayeen madax ka tirsan Dowlada,isagoona sheegey iney wali sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Kenya.
Dhanka Dowlada Itoobiya mar uu ka hadley ayaa waxaa uu ku sheegay ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya iney shabaab marnaba aaney ka ogolaan doonin in shacabka Soomaaliyeed ay gumeystaan isagoona ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed iney la dagaalaan ciidamada Itoobiya.
Axmed Cabdi Godane marna loo yaqaano C/raxmaan Abuu Zubeyr ayaa uu hadlaa sandkiiba mar,waxaana amiirkan maleeshiyada Shabaab lagu wareerey meesha uu ku gabaado,hase ahaatee Dowlada Maraykanka ayaa horey waxaa ay u sheegtey iney lacag siineyso cidii sheegta meesha uu joogo Godane.
Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.
