Holland: Tirada dadka isku dhiga tareenada oo badatay
Amsterdam (WM-Online) Tiro-koob cusub oo ay soo saartay wasaarada gaadiidka ee dalka Holland ayaa lagu sheegay in sanadkii hore ee 2011 ilaa 215 qof ay is dileen iyagoo isku dhigay tareenada hortooda.
Inkastoo ay socdaan dadaalo lagu yareenayo in tareenada la isku-dhigo isla markaana kaamirooyin lagu rakibay meelaha ay shilalkan ka dhacaan, ayaa haddana tirada dhimashada ay kor u kacday 31% sideedii sano ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay in tiro-koobka.
Sanadkii hore, Cornelis van Houwelingen oo ah dhaqtar cilmi-nafsiga, ayaa ogaaday inay aad u sareyso halista is-dilka ee tareenada la isku dhigo, shilalkaasi oo ka dhaca buu yiri meelo u dhow isbitaalada lagu hayo dadka dhimirka la’, waxaana meelahaasi loo aqoonsaday 60-ka aag ee khatarta ah.
Shirkada xadiidka tareenada ay ku ordaan ee wadanka Holland ee la yiraahdo ProRail, ayaa sheegtay inay gidaaro ka dhisayso meelaha ay dadku ka talaabaan, isla markaana lagu xirayo kaamirooyin wax basaasa iyo nalal, taasoo ah dadaalo lagu doonayo in lagu yareenayo tirada dhimashada ka dhalata tareenada la isku-dhigo.
Houwelingen waxa uu u sheegay jariirada Volkskrant in ugu yaraan is-dilka dhinaca tareenada ay saddex meelood laba meel lagu yaqaan oo ay ay sameeyaan dadka xanuunada maskaxda ee misana sameeya falalka deganaanshiyo darada, waxaana muhiim ah buu yiri in arrintaasi laga hortago.


