Holland: Mushaaraadka shaqaalaha oo la kordhin doono sanadka 2013

Amsterdam (WM Online) Hayáda caalamiga ee xaga la talinta ee la yiraahdo Hay Group ayaa daraasad ay sameysay waxay maanta ku sheegtay in mushaaraadka la siiyo shaqaalaha dalka Nederland la kordhin doono celcelis ahaan 2.4% sanadka soo socda ee 2013.

Bishii September ee la soo dhaafay, ayaa Hay Group waxay sheegtay suutagalnimada in mushaharka Dutch-ka la kordin dhinayo 2.6%.

Celcelis ahaan, mushaaraadka laga qaato qaarada Europe ayaa la kordin doonaa 3.3%, iyadoo bartamaha iyo bariga qaaradana ay arrintan ugu horeyn doonaan. Mushaarka laga qaato wadamada wadamada Ireland iyo Greece ayaa la sheegay inaanu sare u kici doonin sanadka xiga, sida lagu muujiyey daraasada la sameeyey.

“Waxaa mustaqbalka inoo muuqda in dhimis lagu sameen doona xooga shaqaalaha Dutch-ka.” Alrik Boonstra ayaa sidaasi u sheegay wargeyska NRC ee ka soo baxa dalka Nederland, isagoo intaa ku daray “Mushaar kordhinta Nederland ma dabooli doonto qarashka nolosha ee sare u kacay,”

Daraasad iyana ay soo saartay bishii hore ee November kooxda Capital Group ayaa waxaa la sheegay in sanadkan mushaaraadka laga qaato Nederland la kordhiyey 1.9%.