Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta oo habsami uga socda Muqdisho [Sawirro]

MUQDISHO: Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda Horyaalkii 13aad eeKubadda Gacanta, waxaana ciyaar aad u kulul isaga horyimid Kooxaha Dekedda iyo Horseed . iyadoo ay guusha raacdayDekedda oo 14-11 ku quusiyay Horseed.

Ugu horeyn ciyaarta ayaa waxay ku bilaabatay dardar, iyadoo labada kooxood goolasha ay iska dhalinayeen u muuqdeen kuwo su`aal iyo jawaab oo Koox walba mar ayay shabaqa gool ku hubsatay. Waxaa qeybtii hore u muuqatay mid ciyaarta ay isku dheelitiran tahay.

Qeybtii labaad ayay ciyaarta isbedel sameysay waxaa goolal ku horumar ciyaaryahanada Horseed, Laakiin waqtiyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa fursad helay kooxda Dekedda ka dib markii ciyaaryahano lafdhabar u ahaa Horseed qaladaad ay galeen awgiis looga saaray garoonka sidaasna ay 14-11Dekedda kulankaas ku soo afjartay.

Waxaa ciyaartan ka xusi karnaa ciyaaryahanadii ugu cadcadaadhanka DekeddaSayid Cali (Kuukaay), Xamza Xaaji Cabdi iyo Maxamed Cumar, Dhanka HorseedLibaan iyo C/Jibaar.

Waxaa ciyaartan xiisaha lahaydgarsoorayay Maxamed Xasan Fiidoow iyo C/raxmaan Suufi Karaama, Dhibcaha waxaa qorayay Cusmaan Cabdi Cusmaan,Sacaadda waxaa hayay Qaasim Sheekh Maxamuud, iyadoo xeer Ilaaliye uu ahaa C/laahi Xasan Cali {Kuusoow}.

Daawashada ciyaartan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Xiriirada GOS iyo mas`uuliyiin kala duwan – waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha XSKG MaxamedXasan Xuurshe [Eenoow], Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali (Roombo), Guddoomiye ku xigeenka XSKK Cali Xasan Cali, Guddoomiyaha NSGSC C/qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo), Kusimaha XoghayaXSKG Xasan Maxamed Axmed (Xasanoow), Kusimaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Basaale, Guddoomiyaha Guddiga Tartamada XSKC Cali CabdiMaxamed (Cali Shiino), Xoghayaha Naadiga Dekedda Muqdisho C/llaahiMaxamed Bashiir {Quattro} iyo Taageeraha weyn Ibraahim Maxamed Qeydaraan (Adoomoow).

INTA KULAN AY CIYAARTAY KOOX WALBA IYO DHIBCAHA:

#

MAGACA KOOXDA

INTAAY CIYAARTAYKOOXDA DHIBCAHA AY LEEDADHAYKOOXDA
1 2 3 4 5 Wadar Guud 1 2 3 4 5 Wadar Guud
1 Heegan

3

3 3 3

9

2 Dekedda

4

3 3 3 3

12

3 Horseed

4

3 3 3 0

9

4 Nationlink

3

0 0 0

0

5 Dowladda Hoose

3

0 0 0

0

6 Fero

3

0 0 0

0

  Isboorti.com Managing Editor

Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

Cell Phone:+2526-1-5520008/+14434409441

Email:buuna@isboorti.com

Website:www.isboorti.com

Twitter:@BUUNA2

Facebook: Click here