Waa sidee xaalada baydhabo oo xaley dil ka dhacay?

Kadib markii xaley Magaalada baydhabo ee gobalka uu ka dhacay fal dil ah oo ay geyteen kooxo hubeysan,isalmarkaana lagu diley mid ka mid ah dhalintada magaaladaasi ayaa waxaa lasoo sheegayaa in xaley ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ka sameeyeen howlgalo balaaran.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaana kuwa Booliiska iyo nabad sugida ayaa waxaa la geeyay xaafada Cunay ee magaalada baydhabo halkaasi oo xaley kooxo hubeysan ay ku toogteen mid ka mid ah dhalinyarada magaalada ku dhaqan,kaasi oo aan la ogeyn sababta loo diley.

Howlgalada ciidamada Dowlada Soomaaliya ay ka sameeyeen xaley magaalada baydhabo qeybo ka mid ah ayaa waxaa la tilmaamay iney gacanta kusoo dhigeen ilaa iyo dhowr ruux kuwaasi oo lala xariirinayo iney ku lug leeyihiin falalka amaan daro ee maalmihii ugu danbeeyay ka dhacayay Magaalada.

Raga xaley howlgalka lagu soo qabtey ayaa waxaa la tilmaamay iney gaarayaan ilaa iyo 10-ruux kuwaasi oo xaley ku hoyday xabsiga Magaalada baydhabo,waxaana lagu wadaa in baaritaan xoogan lagu sameeyo islamarkaana si deg deg ah maxkamad loosoo taago.

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa saaka waxaa ay tahay mid degan,waxaa dib u furmey ganacsigii isu socodkii gadiidka iyo dadweynaha,wallow wararka qaarna wali ay sheegayaan in xaafadaha Magaalada wali ay ka socdaan baaritaan xoogaan.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.