Odey dhaqameed lagu diley Gobalka Galgaduud.
Wararka saaka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in xaley kooxo hubeysan ay dil ka geysteen Degmada Ceel-buur ee bartamaha Soomaaliya sidaasna waxaa noo sheegay dad deegaanka ah.
Dadka deedaanka ayaa waxaa ay ku waramayaan in xaley Magaalada Ceel-buur qeybo ka mid ah kooxo hubeysan ay ku toogteen mid ka mid ah Odey dhaqameedyada Degmadaas,waxaana wadadka la toogtey xili uu kasoo baxay Masaajidka oo uu ku dugtey Saalada cishaha.
Waxaa noo suura gelin inaan helno magaca Odey dhaqameedka xaley kooxo hubeysan ay ku toogteen degmada Ceel-cuur ee Gobalka Galagduud,hase ahaatee magaalada xaley dilka uu ka dhacay ayaa waxaa maamulo kooxda Shabaab ee Soomaaliya oo magaaladaasi horey uga qabsadey Shabaab.
Kooxaha falka toogashada ah geystay ayaa waxaa la tilmaamay iney wajiga soo duubteen,islamarkaana ku hubeysanaa bastoolado,laakin wadadka ayaa rasaasta ka haleeshey qeybaha sare ee jirka sida ay sheegeen dad deegaanka ah oo soo qaadey meydka Marxuumka.
Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.
