Ciidamo soomaali ah oo tababar ku qaatey Kenya oo gaaray Gedo.

Waxaa saacadihii ugu danbeeyay deegaano ka tirsan Gobalka Gedo ee koonfurta Soomaaliya gaarey ciidamo badan oo Soomaali ah kuwaasi oo tababar bilihii ugu danbeeyay ku qaadanayay deegaano ka tirsan Dalka Kenya.

Sida uu warbaahinta u sheegay Axmed C/laahi Xirsi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Gobalka Gedo waxaa gobalkaasi gaarey ciidamo badan oo Soomaali ah,kadib markii tababar mudo socdey loogu soo gaba gabeeyay dalkan Kenya.

Axmed ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadan tababarka loosoo xirey ay gaarayaan ilaa iyo in ka badan 300 boqol oo askari kuwaasi oo horey looga soo aruuriyey deegaanada Gobalka Gedo si loo soo tababaro,hase ahaatee waxaa hada ay gaareen Gobalka oo dib loogu celiyey markii ay dhameeyeen tababarka.

Ciidamadam cusub ee Dowlada Soomaaliya oo ay tababar siiyeen saraalkiil ka tirsan Dowlada Kenya ayaa waxaa lagu wadaa iney ka qeyb qaataan dagaalka ka socda Gobalka Gedo ee koonfurta Soomaaliya,maadama deegaano ka tirsan Gobalkaasi wali ay ku xoogan yihiin kooxda Shabaab ee Soomaaliya.

Goobaha hada ay gaareen ciidamadan cusub ayaa waxaa ka mid ah Degmada garbahaarey ee Gobalka Gedo,Ceel waaq iyo meelo kale,waxaana lagu wadaa iney mar dhow ay ka howlgalaan Gobalka Gedo.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.