Qarax lagu hoobtey oo shaley ka dhacay Bakaaraha oo dad loo qabtey.

Kadib markii shaley Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya uu ka dhacay qarax xoogan oo geystay qasaaro xoogan oo dhaawacya ah ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ciidamada Dowlada Soomaaliya howlgalo ay ka sameeyeen suuqa ay kusoo qabteen dad dhowr ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya oo warbaahinta la hadley ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada Dowlada Soomaaliya tan iyo shaley howlgalo balaaran ay ka wadeen qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,maadama ay baadi goob ay ku hayeen kooxihii weerarka geystay.

Inta lasoo wariyey Qaraxii shaley ka dhacay Suuqa Dahablaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loosoo qabtey ilaa iyo ku dhowaad 3-ruux kuwaasi oo u badan dhalinyara,waxaana saraakiisha Dowlada Soomaaliya ay ku eedayeen raga lasoo qabtey iney lug ku leeyihiin qaraxii dhacay.

Raga howlgalka lagu soo qabtey ayaa waxaa loo taxaabey xabdiga dhaxe ee magaalada Muqdisho halkaasi oo xaley ay ku hoydeen,waxaana lagu wadaa in Maxkamada lasoo taago eedeysanayaasha gacanta ay ku soo dhigeen ciidamada Dowlada Soomaaliya ee howlgalka sameynayay.

Qaraxii shalay ka dhacay Suuqa Dahablaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawacantahay ilaa iyo 20-ruux oo dhamaantooda haween ah gaar ahaana kuwii Suuqa ku iibinayay Dahabka.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.