Qarax ka dhacay Islii iyo Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ku dhaawacmey.
Waxaa goor dhow Qarax xoogan uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaana Xaafada Soomaalida ay degto ee Islii,kaasi oo qasaaraha geystay ay kasoo baxayaan warar kala duwan.
Qaraxa oo lagu weeraray Masaajidka Al hidaaya ee magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa bamka gacanta laga tuuraha ah sida ay noo sheegeen dad deegaanka oo goobta joogey markii uu qaraxa dhacayay caawa.
Qaraxa bamka ah ayaa waxaa uu dhacay Salaada cishaha kadib,hase ahaatee waxaa weerarkaasi dhaawac kasoo gaarey Xildhibaanka laga soo doorto Xaafada Kuma kunji ee Yuusuf Xasan Cabdi laakin lama cadeyn karo dhaawaciisa halka uu la egyahay.
Xaalada ayaa cakiran caawa,waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska kenya oo wada baaritaano xoogan oo ku aadan soo qabashada kooxihii weerarka geystay,iyadoona mararka qaar Xaafada islii laga maqlayo dhawaqa rasaas xoogan oo ka dhacay magaalada.
Wixii kusoo kordha kala soco wararka kale Insha alaah.
