M/weyne Xasan oo la kulmay Ray’iisul wasaaraha Turkiga.

Iyadoo shaley wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay gaareen Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga ayaa waxaa uu xaley kulan la qaatey Ray’iisul wasaaraha Dalkaasi Rajab Dayib Urdugaan,iyagoona ka wada hadley arimo dhowr ah.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa la sheegay inuu aad uga mahadceliyey Ray’iisul wasaaraha dalka Turkiga dadaalka uu u galey sidii shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada heysta wax looga qaban lahaa,islamarkaana ku dhiira geliyey Urdugan in la sii wado taageerida Dowlada Soomaaliya.

Kulanka labadan mas’uul oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa waxaa markii uu soo dhamaadey Warbaahinta uga warbixiyey Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo isagu ka mid ah Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee jooga Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in labada Mas’uul ay aad uga dheeraadeen ka hadalka arimaha Siyaasada dalka Soomaaliya,sidii Dowlada Turkiga ay usii wadi laheyd taageerida dhankasta ah ee ay siineyso Dowlada uu madaxweynaha ka yahay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan xaley Magaalada Istanbuul uu ku dhaxmarey Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ray’iisul wasaaraha dalka Turkiga ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili dhowaan sidii kale uu lasoo kulmay madaxweynaha Soomaalida dhigiisa dalkaasi Cabdalla Guul.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.