Idiris “Soomaali waxa ay u baahan tahay 100 qofood oo la mid ah Amin Arts & Wariye C/xafiid Max’uud”

Madaxa ururka SARAPO Max’ed Xassan Idiris (Max’ed Ganey) oo ururkiisu uu ka shaqeeyo adeegyada arrimaha bulshadda Soomaalida ku dhaqan dalka gudihiisa & dibedda ayaa ku tilmaamay Amin arts & Wariye C/xafiid Max’uud shaqsiyaad ay Soomaalidu ku faani karto, marka la eego hindisahood ku aadan in ay cod siiyaan dadka aan codka laheyn.

Idiris oo Jaaliyadda Holland ay ku xusuusato sida uu mar walba isu-garab taago Soomaalida banaanka la dhigay ee sharci la’aanta ku ah Holland oo saxaafadda kula hadlayey xafiiska ururkiisu ku leeyahay magaalada Lelylaan ayaa ku ammaanay farshaxamiistaha Amin Arts & Weriya C/xafiid Max’uud oo ka mid ah weriyeyaasha Idaacadda Universal, ahna soo saaraha barnaamijka arrimaha bulshadda howsha culus ee ay bulshadda u hayaan & kartida ay bulshadda mar walba ugu soo gudbiyaan dhacdooyin xiiso gaar ah leh.

“Soomaalidu waxey aheyd 22-kii sano ummad qabyaalad la saqraansan, oo marka aad dhageysato biya-dhacoodu noqonayo qabiil ku burur, lagana soomiyey wax kasta oo is daba-qabasho ah, haddana marka ummad sidaas ah adigoo ku dhex nool aad aragto shaqsiyaad karti leh sida C/xafiid & Aminarts waxaa ku galeysa rajo ah in Soomaalidu ay weli ku jiraan, kuna badan yihiin ummad yuhuun leh” ayuu yiri Max’ed Xassan oo ka hadlayey sida uu ula-dhacsan yahay barnaamijyada uu soo bandhigo suxufiga C/xafiid.

“Waxaan ka mid ahaa dad hadda ka hor naqdiyey qaar ka mid ah sawiro uu bogiisa ku soo bandhigay farshaxamiiste Amin Caamir, waxaan u arkayey siyaasiyiint qaar inuu ku talax-tegay, haddana fikirkeygu ma aheyn mid ka horimaanayey howsha culus ee ummadda u hayo Amin, wuxuu ahaa Amin shaqsi aan mar walba maqsuud ka yahay howsha baaxada leh ee uu ummadda u hayo, waxaana rumeys-nahay Amin inuu yahay shaqsiga keliya ee lagu tilmaami karo 22-kaan sano ee dowladdii dhexe ay naga burburtay waddaniga dhabta ah ee Soomaaliga ah, wuxuu sameeyey wax aysan qof Soomaaliyeed horay u sameyn oo ah inuu cod siiyo dadka aan codka laheyn ee dulman” ayuu yiri Max’ed Xassan Idiris.

Idiris wuxuu sheegay in Soomaalida Ingiriiska degan uu u soo jeedinayo in ay ka qeybgalaan kulanka maalinta berri ah lagu wado inuu qabto Amin Arts, ayna ka heli doonaan macluumaad muhiim u ah in ay wax ka kororsadaan.

“Waxaan Soomaalida ku baraarujin lahaa in ay ka faa’ideystaan kulanka maalinta berri ah uu qaban doono Amin, kulankaasoo lagu soo bandhigi doono taariikh dhaxal gal ah, oo si weyn u soo jiiran doonta dareenkooda” ayuu yiri Idiris.