Holland: Baraf xanibay duulimaadyo, yareeyeyna socodka tareenada iyo baabuurta.
Amsterdam (WM) Xafiiska dalka Nederland u qaabilsan saadaasha hawada ee la yiraahdo KNMI ayaa maanta oo Jimco ah soo saaray digniin heerkeedu sareeyo, iyadoo dabeylo la socda barafka dhacaya la filayo inay ku dhuftaan in badan gobolada dalka Nederland.
Saakay 8-dii subaxnimo ayaa waxa uu barafka ka bilowday qeybaha koonfurta iyo galbeedka dalkan, waxa uuna barafkaasi dhibaato aan sidaa u weyn ku keenay wadooyinka gaadiidka. Dib u dhacii ugu dheeraa waxa uu ka dhacay wadooyinka A12 iyo A9, sida uu sheegay TV-ga Nos.
Shirkada ANWB ee baabuurta iyo sharciyada wadooyinka Nederland ayaa u sheegay darawalada gawaarida inay yareeyaan xawaaraha ay ku socdaan ayna ku xisaabtamaan jawiga. Xiligii kalahaada shaqada ee saakay ayaa waqti hore bilowday si darawaradu ay uga baxsadaan inta uusan barafka ku badan wadooyinka.
Gawaare sida milix ama cusbo ayaa xalay oo dhan heegan ku jiray, howlana ka waday wadooyinka gawaarida si uu u milmo barafka, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee ANP.
Galabta
Barafka daadanaya ayaa bilowday wax yar ka dib waqtigii la saadaaliyey, waxa uuna xoogiisa da’ay saakay, sida ay sheegeen saraakiisha saadaasha hawada. Dhinaca galbeed ee Nederland ayaa la sheegay in dabeylo xoogan ay abuuri doonaan xaalado adag oo isku socodka gaadiidka ah.
Daadashada barafka ayaa la filayaa inay siii socdaan ilaa galabta, isagoo joog ahaan gaari doona 10 ilaa 15 cm meelaha qaar.
Shirkada tareenada ee Nederland (NS) ayaa soo warisay inaysan jirin ilaa hada wax dib u dhac ah, ayna shaqaale dheeraad ah geliyeen heegan si loola tacaalo dhibaatada ka dhalan karta barafka qubanaya.
Hase ahaatee adeegyada ayaa la yareeyey si loo hakiyo khatarta ah inuu dhaco qalal weyn, iyadoo rakaabka loogu digay inay fishaan tareenada oo buuxsama isla markaana safarkooda uu waqti badan qaato.
Garoonka diyaaradaha ee Schiphol, ayaa la sheegay in mar horeba la baajiyey 150 ka mida 900 oo duulimaad, iyadoo meelo kale oo Yurub ka mida sidoo kale ay dhibaato ku qabi doonaan imaashaha iyo bixitaanka garoomadooda diyaaradaha.
Shirkada diyaaradaha Nederland ee KLM ayaa xalay waxay baajisay tobaneeyo ka mida duulimaadyada ay ku tagi lahaayeen dibadda taasoo ah talaabo taxadar ah. Rakaabka diyaaradaha ayaa lagula taliyey inay mar walba hubiyaan xogta duulimaadyada ay ku qoran yihiin, si ay ula socdaa isbadelada imaan kara.
