Dil caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Wararka hada naga soo gaaraya magaalada baydhabo ee xarunta gobalka bay ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa qeybo ka mid ah Magaaladaasi lagu diley Wiil dhalinyarada magaalada baydhabo ah.

Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa fuliyey kooxo hubeysan oo watey bastoolado,kuwaasi oo sida dadka deegaanka ah ay sheegeen iney wajiga u duubnaayeen markii ay dilka geysanayeen.

Waxaa wali noo suura galin in aan helno magaca wiilka caawa lagu diley Magaalada baydhabo ee xarunta Gobalka bay gaar ahaana meel u dhow isgoyska Cunay ee magaalada baydhabo,waxaana marxuumka rasaasta ay kala dhaceen kooxaha hubeysan qeybaha sare ee jirkiisa.

Lama oga sababata loo diley wiilkan ka mid ah dhalinta reer baydhabo,hase ahaatee wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in wiilka la diley uu ka tirsanaa dhalinayarad Isboortiga ee Magaalada Baydhabo,laakin wali si dhab ah looma hubo warkaasi.

Magaala madaxda gobalka Bay ee baydhabo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal iyo qaraxyo ay geysanayaan kooxo hubeysan oo aan la ogeyn cida ay ka amar qaataan,laakin kooxda Shabaab ayaa inta badan lagu eedayaa qalalaasaha ka dhaca dhamaan goobaha Dowlada ay maamusho.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.