Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliy ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta qarax xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,halkaasi oo ah meel aad u mashquul badan islamarkaana ay ku ganacsadaan dad badan oo Soomaali ah.
Qaraxa oo ahaa sida la sheegay Bamka gacanta laga tuura ah ayaa waxaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya kuwaasi oo gudaha Suuqa ka wadey howlgalo baaritaano ah sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah Ganacsatada suuqa Bakaaraha oo aynu khadka kula xariirney.
Qasaaraha lama oga ee ka dhashay qaraxa maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho,hase ahaatee dad deegaanka ah ayaa waxaa ay noo sheegeen in goobta ay soo gaareen Gadiidka Anbalasta halkaasi oo ay dhaawacyo ka qaadeen,laakin lama kala cadeyn karo iney ciidamo yihiin iyo in kale.
Xaalada goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ay tahay mid degan,waxaana Suuqa baaritaan xoogan ka wada ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaana kuwa Booliiska oo sheegay iney soo qabanayaan kooxihii weerarka qaraxa ka danbeeyay.
Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeyay ee Soomaaliya.
