Kulanka golaha Wasiirada maxaa kasoo baxay -Akhriso.

Kulankan maanta Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen golaha wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa looga hadley laba arin oo kala ah sidii Dekada Muqdisho loogu dhoofin lahaa xoolaha nool iyo sidii loo joojin lahaa ka ganacsiga Qalabka ciidamada Dowlada.

Kulanka maanta ka dhacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa shir gudoominayey Ray’iisul wasaaraha Dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon,waxaana goob joog ka ahaa kulanka maanta inta badan golaha wasiirada Xukuumada Soomaaliya.

Saacado dhowr ah oo kulanka u socdey Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa saxaafada la hadley Wasiirka Wasaarada Qeyraadka C/razaaq Maxamed Cumar oo sheegay in wixii maanta ka bilowda dalka Soomaaliya gaar ahaana Dekkeda Magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonto dhoofinta xoolaha nool.

Wasiirka ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in golaha wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ay isla af garteen in wixii maanta ka bilowda aan la arki karin qalab ay leeyihiin ciidamada Dowlada Soomaaliya oo ay lagu iibinayo Suuqyada Magaalada Muqdisho.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.