Howlgal ka dhacay Muqdisho oo dad lagu qabtey.

Iyadoo xaley Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya qeybo ka mid ah ay ka geysteen kooxo hubeysan dhac balaaran ayaa waxaa maanta ciidamada Dowlada Soomaaliya howlgalo ay ka sameeyeen degmada kaxda ee Magaalada muqdisho halkaasi oo xaley dil iyo dhac laga geystay.

Sida ay noo sheegeen dadka deegaanka ah waxaa maanta ciidamo badan oo isugu jira Booliiska iyo nabad sugid lagu soo daayey Xaafadaha degmada kaxda ee Magaalada muqdisho,waxaana ciidamada ay baadi goob uga jiraan soo qabashada ragii xaley dilka iyo dhaca geystay.

Howlgalkan oo wali ka socda Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sida wararka ay sheegayaan ciidamada ay kusoo qabteen ilaa iyo ku dhowaad 10-ruux kuwaasi oo loogu shaki san yahay iney lug ku leeyihiin falalkii xalay ka dhacay Gudaha Degmadaasi.

Raga maanta howlgalka ay kusoo qabteen ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in loo taxaabey xabsiga Degmada Kaxda halkaasi oo lagu wado in maxkamad lagu soo taago si loo kala saaro iney wax ka ogyihiin wixii xaley iyo in kale.

Howlgalkan ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo Nabad sugida ay ka bilaabeen Degmada Kaxda ayaa waxaa imaanayaa xili amaanka Magaalada caasimada maalmahan danbe uu noqdey mid faraha kasii baxayay.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.