Fanaan Axmed Haybe oo maanta la aasey.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta qeybo magaalada Muqdisho lagu aasey Allaha u naxariistee Fanaankii weynaa Axmed Haybe oo xaley ku dhintey Magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu aasey Iskuul Booliziya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aaskiisa ka qeyb galey qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho gaar ahaana Fanaaniin,Wariyaal iyo dad kale oo aad u tiro badan.

Allaha u naxariistee Axmed Haybe ayaa waxaa uu ahaa fanaan si weyn looga yaqaano guud ahaanba dalka Soomaaliya,waxaana uu u dhintey xanuun maalmihii u danbeeyay ka hayey dhanka Caloosha sida ay noo sheegeen dad qaraabada ah.

Qaar ka mid ah abwaaniintii Soomaaliyeed iyo fanaaniintii goobta ka hadley ayaa waxaa ay sheegeen inuu Axmed uu ahaa nin aad u dabeecad wanaagsan islamarkaana ku xeel dheeraa la dhaqanka bulshada Soomaaliya,hase ahaatee xanuun awgiis uu u dhintey.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.