Fafaahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

Kadib markii maanta qarax xoogan uu ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wali soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aadan qaraxa maanta ruxey Suuqaasi,iyadoona sidoo kale ciidamada Dowlada suuqa ay ka wadaan howlgalo xoogan.

Wararka aan ka heleyno Qaraxa maanta ayaa waxaa ay sheegayaan in qasaaraha dhaawacyada ay gaarayaan ilaa iyo 20-ruux kuwaasi oo haween u badan,maadama goobta qaraxa uu ka dhacay ay aheyd Suuqa Dahablaha ee Magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada ayaa waxaa markiiba loola cararay Isbitaalada Magaalada Muqdisho,halkaasi oo dhaawacyada xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo,hase ahaatee waxaa jira kuwo dhaawacyadooda ay halis yihiin.

Dhanka kale ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ka wadaan howlgalo lagu raadinayo cida ka danbeysay qaraxa maanta ka dhacay Gudaha Suuqaasi,iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada ay soo qabteen rag loogu shaki san yahay falkaasi.

Wehelmedia.com kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Soomaaliya.