Xukuumada cusub ee Nederland oo mucaaradid kala kulmaysa aqalka odoyaasha.
HAGUE (WM) – Warbixin todobaadkan uu qoray wargeyska NCR oo ka mida jaraaíidada ugu waayweyn dalkan Nederland ayaa waxaa lagu sheegay in aqalka sare ee baarlamaanka Nederland aanu ansixin doonin qaar ka mida qorshayaasha ay la timid dowlada cusub ee ku wajahan istraatiijiyada dhinaca kabista dhaqaalaha dalka.
Jariiradu waxa ay sheegtay taageero la’aanta ay muujiyeen xisbiyada mucaaradka inaysan suurtagal ka dhigi doonin in dowlada ay meel mariso qaar ka mida siyaasadaheeda oo ka mid noqdaan sharciga qoran iyadoo aan loo helin aqlibiyad buuxda.
Jariiradu waxa ay eegtay ilaa 30 qodob oo ka mida qorshaha siyaasadeed ee xukuumada cusub iyo taageerada suuragalka ah ee ay heli karaan. Xisbiga shaqaalaha ee PVDA oo ka mida dowlada wadaaga ayaa waxaa ka maqan 8 kursi si uu helo aqlbiyada aqalka sare ee odoyaasha, waxa uuna ku tiirsanaan doonaa taageerada oo ka heli doono xisbiyada ugu weyn eee mucaaradka – sida CDA, xisbiga Geert Wilders ee ka diidan qaxootiga ee PVV iyo xisbiyada socialist-ga – si loo ansixiyo tiro ka mida qodobada la doonayo in ay sharci noqdaan.
Milkiilayaasha
Gaar ahaan, qorshayaasha loogu ogolaanayo hantiilayaasha inay sare u qaadaan ribada ay ka helaan deymaha laga qaato, taasoo keenaysa sicir-barar xaga nolosha ah, ayaanay dhici karin inay guuleystaan. Sidoo kale waxaan iyana taageero loo heli doonin qorshaha xukuumadan cusub ay doonayso inay ku joojiso dhaqaalaha ku baxa kaararka loo yaqaan OV-chipkaart-ga ee ardaydu ay ku raacaan gaadiidka dadweynaha, waxaana qorshahaasi la doonayaa in laga hirgeliyo gobolada Noord-Holland, Utrecht iyo Flevoland.
Siyaasadaha kale ee laga yaabo inay caqabad la kulmaan, waxaa ka mida dhimista lagu sameenayo lacagaha la siiyo dadka shaqooyinka ay ka dhamaadeen iyo dhimista iyana lagu sameenayo qarashka ku baxa; dhismaha wadooyinka iyo bilicda qaab-dhismeedka wadanka, dhaqaalaha ay bangiyadu ka helaan gudbinta lacagaha, yareynta lacagaha daryeelka caruurta iyo in dembi laga dhigo soo-galootiga sharci darada ku soo gala dalka.
Si kastaba, qorshayaasha kale ee muranku uu ka taagan yahay waxaa ka mida mamnuucista in lala ciyaaro iyadoo loo soo daawasho tagayo xayawaanaadka duurjoogta ah, yareynta qarashka ku baxa idaacadaha dadweynaha iyo gargaarka horumarinta iyo in la xadido lacagaha la siiyo dadka shaqooyinka laga ruqseeyo. Hase ahaatee waxaa kuwaasi laga yaabaa in la ansixiyo.
Waa markii ugu horeysay ilaa sanadkii 1918-kii ay xukuumadi la kulanto taageero yare kaga timaada aqalka sare ee baarlamaanka Nederland.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.


