Kooxda London City Academy oo ka badisey kooxda Kubada Koleyga Manchester [Sawirro]
Ciyaar saaxiibtinimo oo garoonka City Academy London ku dhexmartey labo kooxood oo kubadda koleyga ah oo dhalinyaro ah oo badankood Soomaali ahaayeen ayaa ku soo bandhigey ciyaar wanaag iyo dadaal farabadan.
Kooxda London City Academy oo ah ardey wax ka barata dugsigaas ayaa waxaa u dheelayay ilaa 5 wiil oo Soomaali ah, kuwaasoo aan dhihi karo laf dhabarka kooxda kuliyada.
Halka Kooxda Manchester ay dhamaantood wada ahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed islamarkaana u hogaaminayay macalin Laas gudoomiyaha ciyaartooydii hore gobalka Great Manchester iyo macalinka kooxda da’yarta Geesey .
Waxaan garoonka kula kulmey Macalin John.Macalin Shiino Guhaad gudoomiyaha Seria-A-da London,Macalin Cabdiraxmaan Salah ”Matita”, ciyaaryahan hore Abukar Yusuf, Gudoomiyaha SIYD Xuseen Deeq, Ciyaaryahan Hore Cali Tabelo, Mudane Dhaaley.

Waxaa kale ka soo qayb galey oo yimid Legend Amiin Caamir,Suxufiga xidigaha.Ca mudane Busuri.
Barnaamijkan isboorti waxaa duubayay Fu’aad Osman.Mudane Cabdinaasir Xarago iyo dhalinyaro kale oo ka socdey Somalisat TV.
Ciyaarta ay soo bandhigeen labada kooxood aad ayay u kale duwanaayeen, dhalinyarada dhana waxaa iga muuqdey dadaal iyo rabitaan ay jecel yihiin ciyaarta kubadda koleyga, waxayna guushii ku raacdey kooxda City London Academy.
Ciyaaryahanada dhamaantood sharaf iyo amaan ayay mudan yihiin labada kooxood iyo maamulkooda.
Ciyaarahaan oo kale qabashadooda iyo kale qayb galkooda run ahaantii waxay wax badan anfici karaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee soo koraya ee xiisaha iyo jaceylka u qaba in loo sameeyo barnaamijyo dhaxal gal ah.

Ciyaarta waxaa qabanayay garsoore Soomaali ka soo qaban jirey ciyaarta kubadda koleyga garsoore Ilyaa iyo garsoore ka socdey iskoolka.
SSPAMEDIA waxay mar walbo garab taagan tahey dadka ku howlan horumarinta iyo wax u qabashada jiilka soo socdo, waxaana la joogaa waqtigii albaabada laga xiran lahaa kuwa shaqada ka dhigtey inay umadda isboortiga kale qeybiyaan ee caadeystey inay jaakado u soo xirtaan marka TV-yada biiraqaatayaasha barnaamijyo malaa yacni ah oo la isku gadaayo lagu sameeyo baararka raqiiska ah.
Qofkii barnaamij raba inuu sameeyo waa inuu yimaadaa meelaha dhalinyarada iyo caruurta wax loogu sameynaayo sida Somalisat shaley sameysay, iyagoo uga yimid meel aad u fog inay barnaamij isboorti duubtaan iyagoo wax lacag ah ku helin, well done Somalisat again and thank you.










Yusuf Yusuf
City London Academy
Willesden
