Soomaaliya oo 7-0 loogu badiyay kana hartay Tartanka Cecafa.

Xulka Qaranka Kubada Cagta dalka Soomaaliya ayaa maanta markale guul daradii 3-aad dhabarka loo saariyay, ka dib kulan ciyaareed xiiso badan oo ay la ciyaartay xulka dalka Tanzania.

Tartanka Cecafa ayaa xulka soomaaliya waxaa ugu haray oo kaliya 1-kulan, inkastoo kulankaasi aysan wax rajo ah laheyn xulka qaranka dalka Soomaaliya.

Xulalka Tanzania ayaa Maanta shabaqa xulka Soomaaliya ku hubsaday 7-gool, taasi oo keentay in ay gabi ahaanba tartanka ay ka haraan xulka soomaaliya walloo 1-ciyaar ay wali u harsan tahay.

Qeybtii hore ee Ciyaarta ayaa soomaaliya lagu nasiiyay 5-gool iyo waxba, iyadoona isku soo laabadkii ciyaarta Qeybta 2-aad mar kale dusha loo saariyay 2-gool.

Soomaaliya ayaa kulankii ugu horeeyay la ciyaartay xulka Brundi, waxaana afka ciida loogu daray 5-1, iyadoona kulankii labaad ay mar kale la ciyaartay xulka dalka Sudan 1-0 ayaana loogu badiyey xulka soomaaliya.