Isku Aadka HIRDA Amsterdam Tournment oo la shaaciyay 38-koox wiilal iyo gabdho oo ka qeyb galaya.
Isku aadka Ciyaaraha Soomaalida ee HIRDA Amsterdam Tournment 2012, ayaa si toos ah loo shaaciyay iyadoona sanadkaan ay ka qeyb galayaan 36-koox oo wiilal ciyaaraha Fustelka ah iyo 2-kooxood oo Gabdho Kubada Koleyga ah.
AFT ayaa sanadkaan halku-dhig loogu dhigay (All we need Peace) dhamaanteen waxaynu dooneynaa Nabad, iyadoona Kooxaha Ciyaartaan ka qeyb galaya ay ka kala imaan doonaan, Holland, Norwey, UK, Denmark, Finland, Sweden iyo Germany.
Xaflada Furitaanka Ciyaaraha ayaa lagu wado in 21-December 2012 lagu Qabto Magaalada Amsterdam ee dalka Holland, waxaana kasoo qeyb gali doonaan Madax kala gedisan oo Magac ku leh Ciyaaraha Soomaalida, Fanaaniin, iyo dad kale oo caan ah.
22-December ayaa lagu wadaa Garoonka weyn ee Sporthallen Zuid Amsterdam in uu si toos ah ugu furmo Ciyaaraha, iyadoona lasoo gaba gabeyn doono 24-December-2012.
Maamulka iyo Madaxda Qaban qaabada Ciyaaraha AFT ayaa sheegay in sanadkaan Xiiso gaar ah uu lahaan doono Ciyaaraha, iyadoona Soomaalida ku sugan Qaarada Africa, Asia iyo Mareykanka ee Ciyaarahaan si toos ah u daawan doonaan.
Halka Hoose ka daawo sida ay Kooxaha Sanadkaan isugu aadeen.



