Xulka Qaranka Kubada Cagta Soomaaliya oo guul daradii 2-aad loo saariiyay.
Kulan Xiiso badan oo galabta Garoonka Kubada Cagta dalka Uganda ku dhex maray Xulalka Qaranka dalka Sudan iyo Soomaaliya ayaa waxa ay kusoo idlaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday dalka Sudan.
Labada Koox ayaa soo bandhigay ciyaaro aad u xiiso badan oo weerar iyo weerar celis ahaa, iyadoona qeybtii 1-aad ee Kulankooda uu kusoo idlaaday 0-0, taasi oo kuu muujineysa in labada koox ay istecmaalayeen awoodo dheeri ah.
Qeybtii labaad ee kulankooda ayaa koox waliba waxa ay lasoo shar-tagtay farsamooyin cajiib ah, iyadoona xulka Sudan ay u suura gashay in 1-gool ay ku hubsato Shabaqa Xulka Qaranka dalka Soomaaliya xilli ay dhamaadka Ciyaarta ka harsaneed wax ka yar 5-daqiiqo.
Xulka Soomaaliya ayaa kulan ciyaareedkooda ugu horeeyay la yeeshay Xulka dalka Burundi, iyadoona Soomaaliya loo saariyay 5-gool halka ay dhankooda la yimaadeen 1-gool, waxa ayna Maanta mar kale la kulmeen guul daradii 2-aad ee Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa.


