Orodyahan Soomaaliyeed oo wacdarro ka dhigay Tartan Orod oo ka dhacay Holland (SAWIRRO)

Liibaan Cabdi Jaamac oo ah orodyahan Soomaaliyeed oo degan waddanka Holland ayaa wacdarro ka dhigay tartan orodka ah oo lagu qabtay magaalada Groenlo 25-11-2012 oo ku beegneyd Axadii, waxaana Liibaan tartankaasi uu ka qeybgalay uu ka galay kaalimaha hore, isagoo magaalada uu u ordayey ee Groenlo uu noqday qofkii ugu horreeyey ee gala kaalinta 1-aad.

“Ma ahan markii ugu horreysay ee Liibaan uu ka qeybgalo tartan noocaan oo kale, waxaa jiray tartamo heer goboleed ah & kuwa degmo intaba oo uu kaga qeybgalay magaaladan Groenlo & magaalooyin kale, wuxuuna tartamadaasi intooda badan ka galay kaalimo wax ku ool ah, waxaana wadahadalo kula jira shirkado ganacsi oo doonaya inuu tartamada uga qeybgalo magacooda” ayuu yiri Axmed Abuukar Axmed (Afgooye) oo h khabiir dhanka isboortiga ah, wuxuu sidoo kale sheegay in magaalada uu degan yahay tiro ka 2 jeer tartamo ka dhacay uu ka galay kaalimaha 1-aad & 3-aad, isagoo ahaa orodyahanka keliya ee Afrikaan ahaa ee tartankaasi ka qeybgalay.

“Liibaan waa orodyahan uu ku hanweyn yahay tababarihiisa, wuxuuna marar badan u sheegay in hadduu dedaalo uu orodka horumar ka gaari karo” ayuu yiri Axmed Abuukar Axmed (Afgooye)