TACSI: Bahda Isboortiga iyo Saxaafada Holland oo tacsi u dirayaan Mudane Abanuur.
Bahda Isboortiga Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa HOLLAND, Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa HOLLAND, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee HOLLAND.
Waxa ay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Guddoomiyihii X.S.C.Fudud, isla markaana ahaa Xubin Guddigii Fulinta ee G.O.S. Abukar Abanur oo Habar-yaryadiisa, Marxuumad, AAMINA XAAJI AWEYS (Aamina Jowhar) iyo Marxuumad, XAAJIYAAY CADDAANKA CABUUD oo dhawaan ku wada geeriyooday Magaalada London ee cariga dalka Britian.
Waxaa sidoo kale Tacsidaan loo dirayaa Dhammaan Caruurtooda, Caruurta ey sii dhalleen, dhammaan intii la dhallatay Rag iyo Dumarba, Eheladii iyo Qaraabadii ay ka tageen Marxuumiintaan, waxaana eebe loogu baryayaa in uu Jannadii Fardowso ka waraabiyo Eheladii iiyo qaraabadii ay ka baxeenna Samir iyo Iimaan Eebe ka siiyo…..AAMIIN.
INAA LILLAAHI WAINAA ILEYHI RAAJICUUN
