Nuur Cadde oo qiray in la ijaaray Xarunta Safaarada Soomaalida ee Talyaaniga [Dhageyso Wareysi]
Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Ahna Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalalka Talyaaniga iyo Beljum Ambasador Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa qiray in la ijaaray dhismaha Safaarada Soomaalida ee dalka talyaaniga.
Nuur Cadde oo wareysi siiyay Radio Wehel ayaa waxaa uu ka hadlay Arrimo dhowr ah oo quseeya Safaaradaha Beljum-ka iyo tan Talyaaniga, isagoona sheegay in uu ku guuleestay in dad Ajnabi ahaa oo ku noolaa Safaarada Beljum-ka laga saaro.
Danjiraha Ayaa wareysigaan bixiyay isagoo ku sugan Xafiiskiisa Safaarada Soomaalida ee Beljum, waxaana wareystay Tafaftiraha Radio Wehel, Salah Hassan Omer “Salah Dheere” (Halka Hoose ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran).


