Ruwaayada Caawa iyo Marxalada Dhibaatooyinka Qoyska Soomaalida ee Holland [Dhageyso]
Waxaa Magaalada Amsterdam ee dalka Holland lagu qabtay Kulan balaaran oo loogu hadlayay dhibaatooyinka ay leeyihiin kala geynta Waalidiinta iyo Caruurtooda, iyadoona kulankaan uu ahaa mid ay soo qaban qaabisay Hey’adda Soomaalida ee ka shaqeysa xaquuqda Caruurta, Marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan SONPPCAN, iyadoona kulankaasi ay kasoo qeyb galeen qoysas Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Holland, Ururada ka Shaqeeya Arrimaha Caruurta iyo Hey’addo dhowr oo soomaali ah.
Intii Kulanka uu socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay Madadaalo (Ruwaayad) ka turjumeesay Dhibaatada Qoyska Soomaalida ka heysta dhinaca is dhex galka, dhaqanka, iyo luuqada, iyadoona ay jilayaal ay ka ahaayeen Marwo Ruqiyo Caddow & Sahro, oo had iyo jeer ka soo bandhiga Muuqaalo wacgelin ah oo ka hadlaya dhibaatooyinka Soomaalida ka heysta Wadanka Holland, iyadoona sidoo kale kulanka lagu soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Cunnada Soomaalida.
Iyadoo Muuqaal ah dhawaan naga filo Insha allaah [Ugaar ah Wehelmedia] Halka hoose ka dhageyso iyadoo Maqal ah.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
