Hay’addaha qaabilsan Caruurta iyo Qoysaska Soomaaliyeed oo ku wada kulmay Magaalada Amsterdam ee dalka Holland [Sawirro]
Waxaa Magaalada Amsterdam ee dalka Holland lagu qabtay Kulan balaaran oo loogu hadlayay dhibaatooyinka ay leeyihiin kala geynta Waalidiinta iyo Caruurtooda, iyadoona kulankaan uu ahaa mid ay soo qaban qaabisay Hey’adda Soomaalida ee ka shaqeysa xaquuqda Caruurta, Marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan SONPPCAN, iyadoona kulankaasi ay kasoo qeyb galeen qoysas Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Holland, Ururada ka Shaqeeya Arrimaha Caruurta iyo Hey’addo dhowr oo soomaali ah.
Hey’adda Nidos oo ah Hay’adda masuulka ka noqota caruurta wadanka soo gasho iyagoo aan waalidkood la socon, Jeugdzog oo ah Hay’adda caruurta aan qaxootiga ahayn masuulka ka ah, qaadashadooda iyo meelaynta marka waalidka laga qaato iyo Hey’addaha GGD, iyo Kind Gezin Centrum oo dhamaantood ka shaqeeya arrimaha carruurta ayaa kulankaasi goob joog ka ahaa.

Ugu horeyn waxaa kulankaasi furay oo warbixin dheer loogu dhageystay Guddoomiyaha Hey’adda SONPPCAN Avv. Muuse Axmed Xersi, isagoona halkaasi kusoo bandhigay ujeedada guud ee SONPPCAN, wax-qadabka Hey’adda, iyo waxyaabihii ay la kulmeen intii ay ku guda jireen Arrimaha Xuquuqda Caruurta, waxaa uuna xusay in Waaya Aragnimada Xilligaan Waalidiinta Soomaaliyeed ey ka dhaxleen Arrimaha Caruurta ay tahay mid ka gedisan sanadihii hore.
Abukaate Muuse waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan-yahay in Qoysaska Soomaalida ay soo dhex fariistaan Hey’addaha ka shaqeeya Arrimaha Caruurta oo ay ka tabanayaan waxyaabo badan, isla markaana la is weydaarsado fikradaha kala gedisan ee labada dhinac ku kala qabaan dhinaca xanaaneenta Caruurta iyo siyaabooyinka lagu qaato Caruurta.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashay Gar-yaqaanad Shamso Xasan oo ah Isu-duwaha Hey’adda SONPPCAN Ahna Madaxa Mashruuca Bar-Baarinta, iyadoona carabka ku adkeesay in kulanka la isugu yimid uu yahay mid fursad weyn u ah Qoysaska Soomaaliyeed iyo Hey’addaha ka shaqeeya Arrimaha Caruurta si la isugu sameeyo turxaan bixin ku saabsan dhinaca Fikirka, iyadoona sheegtay in dhibaatooyinka ugu weyn ee qoysaska soomaalida heysato la xariirto dhaqankii Soomaalida iyo dhaqanka wadankaan loogu yimid.
“Hey’adda waxaa lagu Aas-aasay Magaalada Muqdisho, sanadii 1989, sababta loo aas-aasay waaxa ay aheyd in lagu dhowro xaquuqda Caruurta maadaama dalka dhibaatooyin badan uu ka jiray, balse xilligaan waxaa inoo suura gashay in gudihii dalka iyo dalkaan Holland oo laftigeeda waajib naga saaran-yahay in xuquuqda caruurteena ku ilaalino aynu ka shaqeyno” Ayey tiri Shamso Xasan Isu-duwaha SONPPCAN.
Shamso waxaa ay xustay in Hey’adda SONPPCAN ay ka shaqeyso Xaquuqda Caruurta Soomaaliyeed, isla markaana ay sii wadi doonto sidii Arrintaasi ay u dar dar gelin laheyd, iyadoona codsatay in soomaalida loogu baahan yahay wada shaqeyn buuxda oo dhex marta Hey’adda iyo Qoysaska Soomaalida si la isaga kaashado dhibaatooyin fara badan oo soo wajahi karta Caruurta Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin dad asal ahaan aan u dhalan Holland.

Dhinaca kale waxaa kulanka lagu soo bandhigay Film Ducumanteri ah oo ka hadlayay Dhibaatooyinka Qoysaska Soomaalida ka heysto dhinaca qaadashada Caruurtooda, taa oo ay kal hore wadanka Holland ka diyaarisay Yaasmiin Calas, iyadoona isla goobta su’aalo lagu weydiiyay Yaasmiin Alas, taasi oo la xariirtay Aragti ahaan wax yaabaha ay kala soo kulantay Qoysaska Soomaalida iyo Hey’addaha iyagu qaatay Caruurta Soomaalida.
Yaasmiin ayaa xustay in dhibaatooyinka ugu weyn ee Qoysaska heysto ay salka ku xariirta Arrimaha dhaqanka, iyo is faham la’aanta dhinaca luuqada, taasi oo dhibaato xoogan ka dhex dhalisay Waalidka, Caruurta, iyo Hey’addaha Ajnabiga, iyadoona ay carabka ku adkeesay in taasi loogu gudbi karo in Hey’add Waliba ay jaaliyadeeda ku taageerto sidii ay gacan usiin laheyd, isla Markaana Qoysaska Soomaalida loogu baahan yahay in ay wada shaqeyn la yeeshaan Hey’addaha ku afka ku diinta ah si loogu hor tago dhibaatooyinka Caruurta.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo bandhigay Buug ay qortay Hey’adda SONPPCAN, oo ku saabsan waaya argnimo dad soomaaliyeed oo waalidiin ah, iyo dad ka shaqeeya Hay’addaha caruurta sida Jeugdzorg, Nidos, GGD Kinderpostzegels, Kind Gezin Centrum iyadoona Buugaasi Hadiyad Ahaan loo Guddoon-siiyay Marwo Tesa Smit, oo ka socotay Hay’adda Kinderpostzegels ee ah Hey’add Nederlands oo ka shaqeeysa dhinaca Caruurta.
Intii Kulanka uu socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay Madadaalo (Ruwaayad) ka turjumeesay Dhibaatada Qoyska Soomaalida ka heysta dhinaca is dhex galka, dhaqanka, iyo luuqada, iyadoona ay jilayaal ay ka ahaayeen Marwo Ruqiyo Caddow & Sahro, oo had iyo jeer ka soo bandhiga Muuqaalo wacgelin ah oo ka hadlaya dhibaatooyinka Soomaalida ka heysta Wadanka Holland, iyadoona sidoo kale kulanka lagu soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Cunnada Soomaalida.
Ugu danbeyn Hey’adda SONPPCAN iyadoo kaashaneysa Hey’addaha kale ee Arrimaha Caruurta ayaa waxa ay balan qaaday in dhawaan ay qaban doonaan Wacyi gelin, Tababaro (Samenaro) la siin doono Qoysaska Soomaaliyeed taasi oo ku saabsan Arrimaha Caruurta.
Sawirrada oo Dhameystiran halka Hoose ka Daawo.
Salah Hassan Omer [Salah Dheere]
Amsterdam – Nederlands.
Email: s.dheere@hotmail.com


