Shir ku saabsan barbaarinta caruurta Somalida oo lagu qabtay Amsterdam.
Shir looga hadlayey arrimo ay ka mid yihiin tarbiyada ilmaha, muhiimada ay leedahay in ubadka si wanaagsan loo baro afkiisa hooyo ee Somalifa iyo sida looga hortagi karo in qoysaska Soomaaliyeed laga qaato caruurtooda, ayaa shalay taariikhda ku beegneyd 27-10-2012 lagu qabtay magaalada Amsterdam ee caasimada dalka Nederland.
Shirkan oo lagu soo beegay dabaaldega iyo hambalyada maalintii labaad ee Ciidul-Adxada ayaa waxaa soo qaban qaabiyey ururka jaaliyada Somalida Amsterdam iyo nawaaxigeeda (SOMVAO), waxaana ka soo qeyb galay waaladiin badan oo Soomaaliyeed oo isugu jiray aabayaal iyo hooyooyin oo ka kala yimid Amsterdam iyo magaalooyinka ku dhow dhow.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
