Cabdi Bile Cabdi oo ka qeyb galay Orod loogu Magac daray Run to Unite [Sawirro]

Halyey Cabdi Bile Cabdi ayaa ka qeyb galay Orod dheer oo loogu Magac daray (Run to Unite) kaasi oo ka dhacay Magaalada Minnesota ee dalka Mareykanka, iyadoona ay Orodkaan soo qaban qaabisay Hey’adda ARC ee fadhigeedu yahay Magaalada Minneapolis.

Orodkaan ayaa loogu tala galay in Deeq lacageed loogu aruuriyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateesan gudaha iyo dalalka dariska la ah dalka Soomaaliya, iyadoona Hey’adda ARC ugu tala gashay in ay Orodkaan ku Aruuriso lacag dhan $50,000.

Waxaa Orodkaan ka qeyb qaatay Boqolaal dad ah kuwaasi oo isugu jiray Soomaali iyo Mareykan oo leh Dhalinyaro, Caruur, Haween, iyadoona Orodka ka dib Meel fagaaro ah lagu qabtay bandhig faneed lagu soo bandhigay ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliya.

Waa Markii ugu horeesay uu Halyey Cabdi Bile Cabdi boqolaal dad ah oo ku nool dalka Mareykanka gaar ahaan Magaalada Minnesota uu kala qeyb galo orod nuucaan oo kale ah, iyadoona ka qeyb galka orodkaan uu kusoo beegmayo xilli uu dhawaan kasoo laabtay dalka Britian halkaasi oo uu ugu qeyb galay Ciyaarihii Olompicada Aduunka ee 2012.


Wehel Media Center