Beesha Yusuf Daarood oo ka soo saartey warmurtiyeed maamulka Puntland‏.

Ku: Dawlada Federaalka Soomaaliya

Ku: Dhamaan issimada beelaha degan Puntland.

Ujeedo: Badbaadinta Maamulka Puntland

Shirar iyo wadatashiyo Beesha Yuusuf Daarood (Awrtable) uga socday gudaha iyo dibada bishaan aynu ku jirno ee September 2012, oo ay ka soo qaybqaateen Issimada, aqoonyahanka, waxgaradka, culumaa’udiinka. haweenka iyo dhalinyarada beesha waxaan ka soo baxay go,aamadan iyo bayaankan soo socda:

Markay beeshu aragtay sida maamulkii Puntalnd gacanta ugu galay shaqsiyaad kooban oo aan si buuxda u matali karin ummada reer Puntland,

Markay beeshu aragtay sida beelaha SSC uga baxeen maamulka Faroole, una samaysteen maamulka KHAATUMO. Sidaa si lamid ah qaybo kamida Gobolada Bari iyo Mudugna ay ku dhawaaqeen inay ka furteen Maamulka wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Cabdirahmaan Faroole.

Markay beesha dareentay baahida loo qabo isu raadinta iyo dib u midaynta beelaha reer Puntland .

Markay beeshu aragtay sida xaqdarada iyo boobka ah ee loogu habsaday dhaqaalihii Puntland iyo jagooyinkii Dawlada.

Markay beeshu aragtay sida Maamulka Faroole wadanka u soo galiyay Shirkado Shisheeyo oo calooshood u shaqaystayaal ah, Aduunkana black list kaga jira, kuwaas oo aan ilaa hadda la ogayn waxay wadanka kaqabtaan, Isla markaasna Barlamaanka aan lasoo marin.

Markii Beeshu aragtay in waqtigii ka dhamaaday maamulka C/raxmaan Faroole lana sameeyay qorshayaal been ah oo la doonayo in waqtiga lagu kororsado,kuwaasoo Dastuurtana aan meelna kaga qorneen, si ummada loogu jaahwareeriyo.

Waxay Beeshu Go’aansatay Beelaha kalana ugu baaqaysaa:

1. In laysu raadiyo beelaha Puntland lana sameeyo dib u heshiisiin iyo turxaan bixin run ah.

2. Si taas loo fuliyo in Shir deg deg ah isugu yimaadaan Beelihii dhistay Maamulka Puntland 1998.

3. Beeshu waxay go’aansatay inta reer Puntland dib isugu imaanayaan inaanay ka sii mid ahaan maamulka Jiritaan beelay ee Faroole hogaanka uhayo.

4. Beeshu waxay soo dhawaynaysaa nidaamka Xisbiyada badan iyo in laga gudbo Baarlamanka Fadhiidka ah ee lagu soo xulijiray qaab beeleedka aan ku saleysan sharciyad iyo cadaalad, balse beeshu waxay cadaynaysaa in mudadaas kooban ee 3da bilood ah aan lagu hirgalin karin Xisbiyo iskudayga Faroolena ay tahay cimri dheeraysi aan la aqbali karin.

Digniin:

1. Beeshu waxay walaac kamuujinaysaa Nidaamka Federalsm-ka, in sidii loogu talagay mahane si kale loo is ticmaalo taas hadii ay dhacdana Beeshu waxay kasoo horjeensaysa Nidaamka Federalka maadaama Beelo badan oo reer Puntland ah ay ku dulman yihiin.

2. Beeshu waxay ka digaysaa in maamulka hada jiraa aanu isku dayin wax muda kororsi ah iyada oo laga wada dheregsanayahy natiijada ka soo baxdey shirkii dastuur ku sheega oo dadkii kasoo qayb galay u badnaayeen staff-ka iyo askarta C/raxmaan Faroole., kuwaasoo laga soo abaabuley aqalkiisa.

3. Waxaa cawaaqibka iyo Mas,uuliyada ka dhalata mudo kororsiga la wado qaadi doono cid kasta oo gacan siisa damiicigaas guracan.

4. Hay’adaha iyo Dawladaha caalamka waxaan ugu baaqaynaa inaysan wax heshiis ah la gali karin cid Maamulkii Puntland la oranjiray matalaysa ayna ixtiraamaan Dustuurka Dawlada Federalka Soomaaliya, islamarkaana looga dambeeyo wax kasto hada kadib Dowlada Soomaaliya ee curatey.

5. Beeshu waxay beelaha Punland ugu baaqaysaa in maanta Puntland la badbaadiyo, lagana hortago wax kasta oo keeni kara dhib iyo colaad la dhex dhigo dadka walaalaha ah.

6. Beeshu waxay ugu baaqaysaa musharaxiinta faraha badan ee u taaagan xilka madaxtinimada Puntland inaan wadanka qalalaase la galin cid waliba barnaamijkeeda siyaasadeed si nabadgalyo ah u soo bandhigto.

7.Ugu dambayntii Beeshu waxay isku raacday inay kalsoonida kala noqoto xukuumada Faroole aysana jirin cid u matasha Maamulkaas Ilaa inta doorashada lasugayo ee mudo 3 bil kadib qaybsoomi doonta , Shakhsiyaadka ku jirana ay danahooda shakhsi uga mid yihiin taliska Faroole, oo aysan ku joogin rabitaan iyo matalaad ay matalaan beesha Yusuf Daarood (Awrtable) ee sharafta badan.

Nabadoon AbdiKhaliif Mohamed Aden

Nabadoon Ahmed Muumin Cumar

Nabadoon Ciise dhagay Mohamud

Nabadoon Cali Faarax Cali Seed

Nabadoon Ahmed Aaden(Howle)

Nabadoon Aaden Warsame Ilsagaaro

Nabadoon Mohamed Xaaji Mohamud

Caaqil Carten Xaaji Jicmale

Caaqil Cawiif Mohamud Cawaale

Caaqil Ahmed Sheikh Aden Guudcad

Caaqil Ahmed Geftin Yusuf

Caaqil Abdiraxmaan Aaden Galaal

Caaqil Yaasiin Mohamed Takhtar

Caaqil Mohamed Ahmed Saalax

Dr Abdiasis Nuur Xirsi

Dr Mohamed Aden Dhagaweyne

Dr Osmaan Mohamed Xarare

Dr Makhtal Mohamed Koofuroow

Dr Abdiraxmaan Mohamed Cunaaye

Dr Abdulqaadir Mohamed Warsame(Jiniboqor)

Dr Osman Xassan Waqooyi

Dr Mahdi Abdiraxmaan Odeycad

Dr Ahmed Jama Abdiraxmaan

Dr Bashiir Xaaji Diiriye Hesri

Dr Abdiasis Mohamed Abuuraas

Prof Abdirisaaq Ahmed Hussein

Prof Husein Mohamed Abdi

Prof Saciid Mohamed Yusuf(Saciid Profesor)

Eng Mahdi Dahir Sheikh Nur

Eng Abdihamid Jama Yare

Eng Cumar Abdulle Mohamed(Cumar Dheere)

Eng Abdulaahi Faarax Hesri Dhuko

Eng Daauud Mohamed Abdulaahi

Eng Mohamed Aaden Goows

Generaal Mohamed Husein Dauud(Xiirane)

Colonel Abdulaahi Mohamed Warsane (Aflahaare)

Colonel Xassan Caabi Moamed

Colonel Mohamud Sheikh Aden

Colonel Abdiraxmaan Aden Dhere

Colonel Abdiladiif Aw Mohamud(Gamaandhe)

Xaaji Saleebaan Ahmed Mohamed

Xaaji Daahir Hassan Mohamud(Daahir wariiri)

Xaaji Mohamed Jama Saalax

Md Mohamed Muumin Cumar

Md Mohamed Kulmiye Warsame

Md Tahliil Hersi Warsame

Md Khaliif Jaamac Abdulle Gaabo

Md Abdulaahi Aaden Mohame(Koolac)

Md Mohamed Mohamud Ooji

Md Yaasin Xassan Gurey

Md Abdinur Jama Xassan(Basse)

Md Yuusuf Ahmed Bayle

Md Abdiwaaxid Xassan Faarax

Md Abdirisaaq Cali Af’bashe

Md Mohamud Abdi Yuusuf(Gaafaa)

Md Mohamed Abdi Hussein(Afgaab)

Md Mohamed Aaden Samakaab

Md Cali Cabdulle Ismail(Cali-Caymid)

Md Mohamed Abdi Joornal

Md Ahmed Jigre Hassan

Md Abdisaciid Abdi Mohamed(Abdiqaylo)

Md Idiris Mohamed Khalaf

Md Cali-Nuur Jamac Dheere

Md Abdinur Jamac Gurey

Md Cilmi Yusuf Hassan(Gasaawe)

Md Bagaaje Cumar Jirac

Md Shiine Ciise Muuse

Md Abdiraxmaan Sheikh Farax

Md Hersi Jama Gaani

Md Mohamed Abdikarim SheikhCumar

Md Mohamud Sheikh Aaden

Md Makhtal Mohamed Koofuroow

Md Abdirisaaq Cali Salad

Md Cali Digriiyow Ahmed

Md Cali Faarax Aaden

Md Huuseen Mohamed Aden(Hussein Jeeg)

Md Hassan Abdi Madoobe

Md Abdi Khaliif Abdulle(Inna sanyar)

Md Abdinaasir Osmaan Qalwayn

Md Mohamed Saciid Cali(Dhagaxtuur)

Md Abdiraxmaan Khaliif Saciid

Md Saacid Mohamud Indhamadoow

Md Kaamil Hussein Cidi libaax

Md Saciid Ahmed Mohamed(Ciid)

Md Abdirisaaq Sheekh Mohamud

Md Saacid Ciise Abdi(Warmooge)

Wabilaahi towfiiq.

Dr. Ali Osman Fu’aad

qalanjay2010@hotmail.com