Xafladii ugu ballaarneyd ee lagu soo dhoweeyey Madaxweynaha JF Soomaaliya oo ka dhacday Holland (SAWIRRO
Xafladii ugu balaarneyd ee lagu taageerayey madaxweynaha dowladda federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Max’uud ayaa lagu qabtay shalay Hoolka Obera ee xaafada Moerwijk ee magaalada Denhaag ee waddanka Nederlands, waxaana xafladdan oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Nederlands lagu soo dhoweynayey madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, waxaana xafladda ka soo qeybgalay qaar ka mid ah bulshadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka Nederlands, oo ay ku jiraan aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato, arday, haween, fanaaniin, saraakiil & waxgarad ka socday qeybaha kala duwan ee bulshadda Soomaalida, waxaana xafladdani ay aheyd xafladdii ugu horreysay ee ay ka soo qeybgalaan tiro intaa laég oo Soomaali ah.
Dadka ka soo qeybgalay xafladda waxaa wejiyadooda ka muuqatay shucuur waddaniyadeed, waxaana lagu furay xafladda heeso waddani ah oo ay ku luuqeynayeen fanaaniin Soomaaliyeed oo uu hormuud u ahaa Xuseen Carab, waxaana heesihii lagu soo bandhigay xafladda oo si weyn u soo jiitay dreenka dadkii ka soo qeybgalay oo qaarkood ay la ilmeeyeen qiiro darteed ka mid ahaa (Soomaaliyeey toosoo) (ALLHAA weyn ninkii aaminaa awood leh) (Dhulka sow aniga ma lihi) (Heybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo). (Dhulkeygoow dushaadu waa barwaaqe ) iyo kuwa kale oo fara baddan.
Xafladda waxaa xiriirinayey Cali Yaxye oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, wuxuuna Cali ka warbixiyey ujeedada loo qabtay xafladda, oo uu ku sheegay in ay tahay bogaadin & hambalyo ay u dirayaan qurba-joogta Soomaalida Holland madaxweynaha cusub ee 10-kii bishan loo doortay qabashada xilka hogaanka dalka Prof. Xassan Sheekh Maxúud, wuxuuna Cali isbedelka cusub ee dalka ka hana-qaaday uu ku tilmaamay mid ay indhaha ku hayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed.
“Maanta waxaa ii muuqata Jaaliyadii Soomaalida Holland oo aan qofna ka maqneyn, dadka barnaamijka soo abaabulay farxad ayey gelineysaa in waqtigiina qaaliga ah aad nala qeybsataan, xafladaasoo ay Jaaliyadu dooneyso in ay ku soo dhoweyso madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Max’uud inuu ILLAAHEY inoogaga dhigo midkii dalka ka saari lahaa marxaladda adag” ayuu yiri Cali Yaxye, wuxuuna xusay in dhammaan dadkan Soomaaliyeed ee hoolka xafladda soo buuxiyey ay si weyn ugu hamuun qabaan in ay dib ugu laabtaan dalkooda, haddii xaaladda waddanka sida ay hadda ku socoto sii ahaato, wuxuuna Cali yaxye sheegay in qof kasta oo Soomaali ah uu si buuxda u fahamsan yahay in aysan jirin meel lagu doorsan karo dalkaaga.
“Dhibaatada dowladnimada ay dadka gudaha u qabaan, waxaa la mid ah ama ka xoog baddan baahida ay u qabaan dadka qurbaha ku sugan oo aan ka mid ahay aniga, waxaa halkan nagu haysa duruuf mooyiye, ma ahan meel la mid ah dalkeenii” ayuu yiri Sheekh Muuse Cadde oo aaya’do quráan ah ku furay xafladda, kuna booriyey ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddankan in ay ku mintidiin diintooda & dhaqankooda.
Xafladda waxaa qadka taleefanka kaga qeybqaatay safiirka dalalka Beljamka & Talyaaniga u fadhiya dowladda Soomaaliya Nuur Xassan Xuseen (Nuur Cadde) oo tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay rajo & yididiilo ku soo dhoweyneyso isbedelka cusub ee Soomaaliya ka hana-qaaday inuu horseedo in dalka uu ka baxo marxaladda adag ee uu ku sugan yahay, wuxuuna hambayl u diray madaxweynaha & guddoonka baarlamaanka oo uu ku tilmaamay dad aqoon & waaya-aragnimo la badiyo, loogana fadhiya in ay ummadda ka kor qaadaan kadeedka & dhibaatada ay ku jiraan.
Ganacsade C/qaadir Cali (Nuune) oo ka tirsan Guddiga Jaaliyadda Soomaalida magaalada Zwolla, oo ka hadlay wuxuu sheegay in doorashaddii ka dhacday Soomaaliya ay noqotay mid taariikhda ummadeed baal-dahab ah ka gashay, mar haddii Soomaaliya gudaheeda ay ka dhacday doorasho, laguna doortay shaqsi banaanka ka joogay xasaradihii & dagaaladii dalka ka dhacay.
“Soomaalidu waa in ay mid ogaataa, Soomaaliya cidda keliya ee dhulka ka qaadi kartaa waa Soomaali, waana in qof kasta oo Soomaali ah uu xil isi saaraa, oo aaney jirin wax ka yar Soomaalinimo oo aan ku fikirno” ayuu yiri Nuune, wuxuuna uga mahadceliyey waddaniyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey in ay meel isugu keenaan intaas oo Soomaali ah, in ay taariikhdu xusi doonto.
“Qabiil waan aragnay meesha uu ina gaarsiiyey, iyo nin kasta inta uu xaafad ootay uu yiri maamul baan ahay, Soomaaliya waxey wax ku tahay wadajir & midnimo”ayuu yiri C/qaadir Nuune, wuxuuna intaa ku daray in shucuurta waddaniyadeed ee ka muuqata wejiyada Soomaalidii munaasabdda ka qeybgashay in ay tahay mid lagu farxo.
Zahro Siyaad Naaleeye oo ka mid ah madaxda dalladda FSAN, kana mid aheyd dadkii madashaasi ka hadlay waxey sheegtay in maanta ay u aqoonsan tahay maalin weyn, bacdamaa tiro intaas la’eg oo Soomaali ah inta ay meel isugu timid, ay u dabaaldagayaan dowladda cusub ee uu madaxda ka yahay Prof. Xassan Sheekh, waxeyna Zahro Naaleeye sheegtay in qurbaha lagu daalay, dadkuna ay indhaha ku hayaan isbedelkan cusub ee dalka inuu sababo in waddanku nabad noqdo.
“Madaxweynaha cusub & guddoonka baarlamaanka waan u hambalyeynayaa waxaana u rajeynayaa in ay noqdaan kuwii ay Soomaali ku farxi laheyd, dalkana ka saari lahaa marxaladda adag” ayeey tiri Zahro.
Guddoomiyaha dalladda FSAN Xuseen Khadiib oo ka mid ahaa dadkii munaasabadda soo qabanqaabiyey, wuxuu sheegay in Soomaalida Holland ay muujiyeen maanta isku xirnaantooda & waddan jaceylkooda, wuxuuna u mahadceliyey dadkii kala qeybqaatay abaabulka munaasabadda oo ujeedada isku keentay ay aheyd oo keliya sidii aan hal maalin u kulmin laheyn Soomaalida si ay meel u muujiyaan shucuurtooda.
“Waxaan madaxweynaha cusub ka fileynaa inuu soo xusho R/wasaare u babac dhigi kara inuu marxaladda adag waddanka ka saaro” ayuu yiri Xuseen Khadiib.
Maxéd Cusmaan Guure oo ah Gudoomiyaha ururka Galmudug Development Foundation ee dalka Holland oo ka hadlay xafladda wuxuu hoosta ka xariiqay in ay tahay tillaabo taariikhi doorashaddii Muqdisho ka dhacday 10-ka Septemper, wuxuuna u soo jeediyey madaxweynaha cusub in uu soo xusho R/wasaare karti & aqoon leh, oo xaaladda adag waddanka ka saari kara, wuxuuna sidoo kale Guddoomiyaha Galmudug Development Foundation u mahadceliyey Guddigii xafladda soo qabanqaabiyey.
“Soomaaliya waxey baahi weyn u qabtaa, una dhutineysaa in ay hesho nabad & cadaalad, waxaan madaxweynaha ka codsanayaa inuu ka dhabeeyo balanqaadkiisii ahaa inuu muhiimada siinayo ammaanka” ayuu yiri Guure, wuxuuna intaa ku daray in xulashada shaqsiga noqonayo R/wasaaraha aan loo eegin qabiil, balse loo eego inuu yahay shaqsi lagu aamini karo masiirka ummad ay dhibaato culus ku habsatay.
Maama Xamza ha-noolaato oo ka mid ah hooyooyinka Soomaalida ee ku dhaqan waddanka Holland, ayaa ugu mahadcelisay niyadsamida & waddan jaceylka ka muuqda Soomaalidii xafladda ka soo qeybgashay, waxeyna u soo jeedisay in ILLAAHEY loo baryo hogaanka cusub in ay noqdaan kuwii ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ku diirsadaan.
“Waxaan salaan sharaf leh u soo ejedinayaa shacabi weynaha sidan isugu soo baxay munaasabaddan qiimaha badan, iyagana mahad ayaan u soo jeedinayaa” ayey tiri Xamza.
Xamza sidoo kale waxey ammaan u jeedisay Cali yaxye oo barnaamijka xiriiriye ka ahaa, waxeyna ku tilmaantay shaqsi tusaale fiican u noqon kara dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holland, marka loo eego firfircoonidiisa, waddaniyadiisa & sida uu mar walba u jecel yahay maslaxada guud ee dalkiisa & dadkiisa.
“Cali Yaxye idinku si fiican uma taqaanaan, anigaa idinka badiya, waa shaqsi uu ILLAAHEY ku beeray quluubtiisa dal & dad jaceyl, waana nin karti badan oo aqoon badan” ayey tiri Xamza.
Xamza waxey u mahadcelisay madaxweynihii xilka ka degay Sheekh Shariif oo ay sheegtay in howsha dowladnimada ah inuu meel fiican soo gaarsiiyey.
Dowladdii dowladdaan ka horreysay howshii qiimaha badnaa ee ay qabatay, waana u mahadcelineynaa”ayeey tiri Xamza.
Afhayeenka Guddigii shirka soo qabanqaabiyey Maxéd C/llaahi Cilmi Xassan Naaleeye (Maxéd Cilmi) oo dadkii madasha ka hadlay ka mid ahaa isna wuxuu sheegay in isu soo baxan Soomaalida ay ku muujinayaan in ay meel fiican mareyso sidii waddanka
“Qurba-joogtu markii hore waxey dhihi jireen hadduu dalku nabad noqdo waan ku laabaneynaa, waxaana ka qeyqaadaneynaa dib u dhiskiisa, maanta waajibka ina saaran wuxuu yahay inaan annagu ka qeybqaadano nabadeynta dalka, waayo ma jirto cid gurigaaga adiga nabad kaaga dhigeysa, waa inaan ka qeybqaadanaa sidii uu dalku nabad u noqon lahaa oo aad dowladda cusub dhiiragelin & taageero u muujinaa” ayuu yiri Maxéd Cilmi, wuxuuna xusay in xilliga dhibaatada ay jirto la ogaado qofka waddaniga ah & qofka kale.
“7 maalin ayey igu qaadatay qabanqaabada xafladda, qarashka ku baxayna wuxuu ka yimid Jaaliyadda Soomaalida” ayuu yiri Max’ed Cilmi.
Fariimoos oo ka mid ah hor-joogayaasha ugu caansan ee ururada Soomaalida, kana mid ahaa dadkii ka soo qeybgalay ayaa dhinaciisa ku tilmaamay munaasabadda,
“Xafladdan wax kale looma baabulin waxaan taageereynaa in markii ugu horreysay 22 sano kadib aan aragno dadkiiinii oo is dooranaya, madaxweynaha cusub waa shaqsi aan aqoon fiican u leeyahay waa qof ku haboon xilkaasi, oo diyaar ah inuu Soomaali u dhinto, kana saaro dhibaatada” ayuu yiri Fariimoos.
Xafladda masúuliyiintii ka soo qeybgashay waxaa ka mid ahaa Cali Waare, Cali Jaamac Cabdi, Ibraahim Cali Max’ed, Max’uud Xuseen Baseey, Nuur Sheekh Cali Tuure, Cali Cabdirisak Mohamed Muuse, Saciid Muumin, Mohamed Kismaayo & marti sharaf kale oo fara badan.
W/Q. Sayid Cali Caseyr
Delft, Nederlands
















