Ahlu Sunna oo sheegtay in ay Xoogaga Al-Shabaab kala wareegeen fariisimo hor leh.

Afhayeenka Ururka Ahlu-sunna ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Maxaliga ee ka howlgala Muqdisho, ayaa sheegay in Ciidamada Ahlu-sunna ay howgallo balaaran kula wareegeen Fariisin Al-Shabaab ee ku lahaayeen Gobolka Gedo.

Al-Qaadi waxa uu sheegay in Howlgalka ay si wada jir ah ugu qeyb qaateen Ciidamada Dowladda, kuwa Ahlu-Sunna iyo itoobiya, ay ugu suura gashay in ay la wareegaan deegaano ay ka mid yihiin Bohol Bashiir iyo Yurkud oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in ay ciidamadaan si wada jir ah ugu dhaqaaqeen Degmada Luuq ee gobolka Gedo, ka dibna ay iska caabin aan sidaasi u buurneen kala kulmeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee deegaanadaasi ku sugnaa, ka dibna ay si toos ah ula wareegeen deegaanadaasi.

Sheekh Maxamed Xuseen Al-Qaadi waxa uu intaa raacsaday in howlgalkaan uu ahaa mid si weyn loogu diyaariyay isla markaana in muddo ah laga fikiraayay, asigoona hadalkiisa sii racsaday in ay sii socon doonaan Howlgalada Nuucaan oo kale ah.

Al-Shabaab ayuu xilligaan sheegay in lagala wareegay fariisimo dhowr ah, isla markaana ay awoodooda Millitary daciiftay, ayna dhankooda sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan tan iyo inta laga wada saari doono buu yiri Gobolka Gedo iyo Gobolada kale ee dalka.

Waxaa wali qeybo ka mid ah degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada Gobolka Gedo ka soconaya dhaq dhaqaaq ay halkaasi si wada jir ah ugu sameenayaan Ciidamada Dowlada, Ahlu-Sunna iyo kuwa Itoopiya oo is kaashanaya.